Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

Taariikhda Iyadaa Ayaa Nolosha U Abtirisa .. Yaa Baray In Dumarka Ay Dhagaha Dalooshadaan ?

Wednesday - July 16, 2025




Sheeko-xariiraha wadaaddada muslimiinta qaarkood ay sheegaanna waxaa ka mid ah, mid sheegaysa in Nebi Ibraahim (CS) uu yahay kan dumarka baray in ay Dhegaha dalooshadaan. Sheekadaan oo dhawr si oo kala duwan loo wariyo, qaababka loo wariyo waxaa ka mid ah: in markii afadii Ibraahim ee Saara ay ubad dhali-weyday, uu Ibraahim guursaday Haajira oo ahayd gabar addoon ah oo Saara ay lahayd. Haajira durba Uur bay qaadday, waxayna dhashay Ismaaciil. Kolkaasna Saara oo masayrtay ayaa waxay ku dhaaratay in ay Haajira jarjarayso. 

Waa danbe oo caradii masayrku ay Saara xoogaa ka yaraatay, ayaa Ibraahim wuxuu Saara ku yiri: Ma doonaysa in dhaartaadii aad dhaar-furyo ka samayso? Waxay tiri: Haa. Markaasuu wuxuu ku yiri: Haajira labada dhegood ka dalooli.

Haajira markii dhegaha laga dalooliyey, si ay u asturto foolxumada dhegaheeda waxay ku qarisay in ay hilqado dahab ah dhegaha ku xirato, arrinkaas oo bilicdeedii iyo jinkeedii soo saaray .. Saara iyo guud ahaan dumarkii ay isku degmada ahaayeen oo idilna Haajira waxay uga daydeen durashada dhegaha iyo xirashada dhego-dhegaha. 

Tan iyo waagaasna, gabdhaha Xaawo meel ay dunida ka joogaanba waxaa lagu falay isku qurxinta xirashada dhegaha .. Dhab ahaantii, waxaa la rumaysan yahay in caadada xirashada dheguhu ay tahay caado fil-weyn, oo meelo badan oo dunida ah laga yaqiin, waxaana la qiyaasayaa in Faraacinadii Masar ay ahaayeen kuwii ugu horreeyey ee falkaan sameeyey. 

Bulshooyin badanna gabdhaha iyo wiilasha isku si bay dhegaha iyo sanka ugu daloolin jireen. Laakiin waxaa kala duwanaa ujeeddada dhegaha loogu durayo, oo aalaba wiilasha waxaa dhegaha loogu duri jirey sababo la xiriira caafimaad iyo diin, ama in lagu muujiyo dabaqadda wiilku uu ka tirsan yahay. 

Tusaale ahaan, Hindida iyo ummado kaleba waxay rumaysnaayeen in duridda dheguhu ay diin ahaan iyo caafimaad ahaanba u wanaagsan tahay. Docda kale, ummadaha qaarkood waxay la ahayd in duridda dhegaha iyo sanka raggu ay tahay liidid meesha ugu hoosaysa. Tusaale ahaan, ummado ay ka mid ahaayeen Giriigga iyo Roomanku waxay dhaqan u lahaayeen in ragga addoonta ah ay dhegaha ama sanka u duraan. Deegaannada qaarkoodna weeraha la isku caayo waxaa ka mid ah in qofka –gaar ahaan labka- lagu yiraahdo ‘Addoonyahow sanka ama dhegaha duran’. Sidaan og nahayna, tan iyo lixdamaadkii qarnigii tagay dhego durashada raggu waxay noqotay moodo meelo badan ku faaftay.