Taariikh Qarsooneyd Oo Banaanka La Keenay .. Ninba Kadabkii Loo Qoray ILLaah Wuu La Kulansiine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Vladimir Putin
Friday - October 25, 2024
Xiligi dagaalki Labaad iyo wixii guuldaro iyo hoog ka dhacay dunida guudkeeda, waxaa dhacday in Askari Ruusha wax badan ka dagaalamay Aaga forontada xulafadi itaalka sheegaty ee Naziga, dabadeed abaal-marin awgeed waxaa Askarigi la soo siiyey maalmo fasaxa u ku gaaro xaaskiisa oo ku nooleyd degaanka magaalada Mooskow,
Askarigi oo kala maqnaa-shaha xaaskiisa ay dhib ku haysay inu arkana jeclaa, wuxuu ugu dambeysti soo gaaray degaanki xaafadeeda ay ku nooleyed, wuxuuse la kulmay xaafadi oo Jarmalka ku ridaayo holac dayuuradeed iyo dadki xaafada deganaa oo meyd-koodi tarab-tarab loogu guuraayo baabuur-weyn si loogu soo rido Xabaal wadareed
Waxaa La Yiri Meesha ILaahay Wax Ka Wado Dameeraha Baa Weeylo Dhala .. Askarigi fasaxa soo qaatay ayaa kor yimid baabuurki Meydadka lagu guraayey, wuxuuna halki kula kulmay xaaskiisa oo Meyd ahaan lagu tuuraayo Baabuurka .. Askarigi oo Af-kala qaad iyo xaajo mashaqo weyn la kulmay ayaa istusay inu Jaceylkiisa ka reebo dadka badan ee lala xabaalaayo oo kaligeed gooni ugu liqimo xabaasha .. Askarigi Xaaskiisi oo nabar weyn gaaray una maleeyey iney dhimatay, ayuu isla markiiba arkay xaaski oo jirkeeda nuux-nuuxsi ka bilowday, balse inta daran naftii ka sii khiikh leedahay, kadibna wuxuu dareemay iney nooshahay oo weli nafi ku jirto, balse ay miyir-beeshay, sidaa daraadeed wuxuu ula kabash-kabash-leeyey isbitaalka oo ugu dambeysti halki nolosheedi lagu samata-bixiyey.
Waxba Hadalka Yuu ila Gudbine Waxaan Ku Soo Gaabshay .. The Point, Xaaskii la moodaayey iney dhimatay Qadarta Alle wey bad-baaday, isla markaana dib ayey ninkeedi "Askarigi" ula nolaatay. ugu dambeystiina waxay qaaday Uur ay sidey 9-Bilood, waxayna Fool-taagi ku dhashay ninka maanta Madaxweyne ka ah Dalka Fedraalka Raashiya Vladimir Putin, kaasoo dunida maanta ka noqday Cir Ka Yeer .. halyey qaran jooga oo loo bogay