Dhacda Walba Xasuusteed .. Sanadki 1970- 1971 Ee kacaanka waxay ahayed xiligi ugu fiicnaa oo horumar laga gaaray meelo badan sida tabcashada Beeraha, u jeheynta kaluunka iyo caafimaadka xoolaha oo xoog la saaray .. ilahaas dhaqaale oo dhana waxaa naga soo gali jiray Lacgta Qalaad ee loo yaqaan ( hard currency) .. waxaa la gaaray illa xad isku-filnaasho
Kadib talaabadi xigtay kacaanki wuxuu u jeheystay xaga iyo sidi loo soo saari lahaa shidaal, oo ujeedadu ahayed kor u kac dhaqaale, sidaa daraadeed dabayaaqadi Sanadki 1973-74, waxaa wasiirka Macadanta loo magacaabay Xuseen Cabdi-qaasim oo galbeedka iyo Mareykanka si gaara ugu xirnaa .. Xuseen oo ahaa nin tacliintiisi hore wax ku soo bartay dalka Itoobiya iyo Mareykanka, ayaa arinta qodista shidaalka hawlgal awgeed albaabadi shirkadaha garaacay isla markaana soo xero galiyey shirkado horay dalka survey ku sameeyey meelo badan oo ka mida dhulka Somaliya .
Shirkadi Shidaalka Elf, oo laga lahaa dalka Faransiiska, waxay si buuxda uga hawl gashay bariga Somaliya gaar ahaan Zoonaha Bada Cas ee degaanka Caluula ku aadan Soona Garda-fuy, laakiin iyadoo ku guda jirta ayey si kadis ah uga noqotay qodisti cududaar ka dhigatay dabeylo culus oo markaas mandiqada ka socday, waxayse yiraahdeen waan soo noqoneyna sidi beyna ku maqnaadeen, hasa ahaate waxaa marki dambe la helay xog sheegeysa in Sacuudigu xoog saaray si loo joojiyo qodiista shidaalka Somaliya gaar ahaan kuwa laga baaraayo Zoonaha Bari, waxayna ku andacoodeen in dhulkooda sareeyo kan Somalidana hooseeyo ( geoloical waise) halkaasna waxaa ka iimaan kara ayey yiraahdeen in shidaalku uu u bato xaga somaliya .. waxaa la cadeeyey in xiligaas oo ku beegneyd 1975-76 Boqortooyada Sacuudigu bixiyeen lacag gaareysa Laba Boqol oo Milyan oo kharashki ka galay shirkadaas, waqtigaasna lacagtaas waxay ahayed mid aad u fara badneyd marka loo eego qiimaha ay xligaas lahayed.
Akhristow aan u soo dhaco dulucda warbixintaan .. xili aan qiyaasayo 1980 Somaliya siyaasad ahaan waxay u jeensatay dhinaca galbeedka waxayna xoog saartay in shidaalka loo soo saaro .. 1984 waxaa ceel baaritaankiisi laga hirgaliyey Bada las-qoray oo laabatan km u jirta xeebta .. waqtigaas safiirka mareykanka ayaa markab dushi xeebta Laas-qoray joogay ku casumay diblumasiyiinta ajnabiga ee mogdisho, halkaaso Ceelki laga qarxiyey kadibna muddo ololaayey .. halkaas safiirki wuxuu ku cadeeyey in shidaalka waqti aan fogeyn la soo saari-doono oo haddana iib gali-doono
Isla Waqtigaa iyo muddo gaaban kadib, waxaa dalka yimi wafdi isugu jira khubaro iyo maal-qabeeno ka socda shirkadaha waaweyn ee Shidaalka Mareykanka waxaana lagu soo dajiyey guriga martida ee Viilla Baydhabo ee ku taal agagaarka isbital Madiina .. wafdigaas oo ka koobnaa 11-xubnood kana socday the ten largest oil companies in the waorld diyaarad gaara watay, waxay hal maalin joogeen mogdisho, kadibna shir la madalay la qaateen Maxamed Siyaad Bare .. Shirka warbixnta shidaalka dalka ku jira ka sakow waxaa la isula yimi gorgortan la xariira saamiga ay shirkadu qaadaneyso iyo kan Somalida yeelan-doonto .. madaxdii shirkadaha oo cidiyaha ku dagaalamaya, waxay Siyaad Barre u soo jeediyeen in Somalidu qaadato wax ka yar boqlkiiba 15 % muddo 50 sano ah wixii ka dambeyna la eegi-doono sida xaal noqdo, halka inta kalana shirkaduhu qaataan (yacni wax ka badam Boqolkiiba 80%) .. Hambadaas waa u cuntami-weyday Siyaad Bare, wuxuuna ku adkeystay Boqolkiiba 50% oo yiri wax ka yar nama anfaceyso.
Kadib Madaxdi Shirkadaha oo hadalki qaatay, waxay Siyaad Bare ku yiraahdeen: Marki Shidalka Sacuudiga la soo sarayey waxaan siinay wax ka yar Boqlkiiba 6% oo ay ku qanceen .. Siyaad Bare ayaa ku jawaabay: Anagu Boqortooyada Sacuudi ma nihin waqtigana waqtigi la is muquunin jiray ma joogno .. wafdigi oo ka yaabay afrikan saboolka ah sidaan u hadlaya oo jid gala iyo mid ka baxa ka waayeen, waxay door bideen iney halki ka dhoofaan
Siyaad Bare, oo marki dambe warbixin siinaayey rag ka mida golahiisa wasiirada waxuu la socdsiiyey wixii u kala kulmay gorgortanki isaga iyo wirig-wirigti xeesha madaxdi shirkadaha iyo halki dabada la gashay, wuxuuna yiri: Nimanka waxay wadan waa kaaf iyo kala dheeri, isagoo warkiisi si watana, wuxuu halki ku balanqaaday illa inta u kursiga ku fadhiyo in Shidaalka usan marna bilaash ku bixineyn oo sidiisa dhulka ugu jiri-doono illa la helo dheli-tir gorgortan .. Sidaas oo kale waxaan xasuusta Dawlada Kuweyet oo soo dalbatay Geel dhedig ah oo ay ku beeraan dalkooda, balse waa u diiday wuxuuna yiri: qaata laba Halaad oo tijaabo ah, wey qaateen waxaase la sheegay iney dacdaro u dhinteen waqtigi Sadaam ku soo dulay Kuweyt .. sidaas oo kale wuxuu diiday in Abu-dabi loo raro Ariga dhadiga ah iyo idaha Madaxa Madow
Ujeedada iyo Haatan aan daro midida halka ay boogtu tahay .. Maanta wey soo dhaaftay sheeko oo waxaa karaamada iyo magaca Somalida hoos u dhigay Tuug iyo Beenaale iyo Masuullin Somali oo dalaaleysa qodista shidaalka, iyo xabada Kaluumka Bada ku jirta , waxay ku gor-gortamayaan Boqolkiiba wax ka yar 3% oo wax kasta oo laga helo dalka waxay u xaraasheen waa aad heshid xoogaa Beeso per cent yar ay faraha kaga xantoob-sadaan.
Hits : 3960