Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 21 June 2025

Dareen Baa Ku Jira Meel Galbeed Daab Ku Leeyahay .. Cabsi Weyn Oo Soo Wajahday Dalalka Khaliijka Iyo Baaq Ay Direen

Saturday - June 21, 2025




Wakaaladda wararka Qatar ee rasmiga ah ayaa sheegtay in danjirayaasha wadamada xubnaha ka ah golaha iskaashiga khaliijka ee u fadhiya wakaalada caalamiga ah ee tamarta Nukliyeerka ee Vienna ay walaac ka muujiyeen bad-qabka xarumaha Nukliyeerka Iran ee ku dhow xuduudaha Lixdan wadan, xili uu kulan la qaatay agaasimaha guud ee wakaalada Rafael Grossi.

Intii uu socday kulanka, diblomaasiyiinta ayaa ka digay "cawaaqibka khatarta ah" ee ka dhalan kara weerar kasta oo Israel ay ku qaado xarumaha Nukliyeerka ee Iran .. Qatar, Sacuudiga, Bahrain, Imaaraadka Carabta, Cumaan, iyo Kuwait ayaa xubno ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Digniintan ayaa timid ka dib markii militariga Israa’iil ay ku dhawaaqeen Khamiistii inay beegsadeen xarunta Nukliyeerka ee Bushehr, balse markii dambe waxay sheegeen in hadalkaasi uu ahaa khalad. Bushehr waa warshadda tamarta nukliyeerka ee kaliya ee Iran.

Waddamada Khaliijka ayaa muddo dheer ka walaacsanaa cawaaqibka ka dhalan kara weerarka lagu qaado xarumahan, gaar ahaan suurtagalnimada in lagu wasakheeyo hawada iyo kheyraadka biyaha ee gobolka