Baruur Kaliya Baa Baruuro Qurmisa .. Maxamud Dirir Waxaa Lagu Nacay Sheeka-Xumida Iyo Nigiskii U Iska Siibay .. Shiikh Xamza Cabdi Wuu Cafiyey Kuwa Shareecada Shuuftay
Wednesday - June 18, 2025
Boosaaso- Maanta wuxuu Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir meel uga dhacay Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre. Waxa uu ku tilmaamay Ra’iisal Wasaaraha ma aha wax qalinka la soo marin karo, hasa-yeeshe Labo sano ka hor sidaas oo kale Madaxweyne Deni ayaa xilka uu hayo Ra’iisal Wasaare Xamse si aan ku habbooneyn uga hadlay,
Waxaase xusid mudan in Siyaasi Xasan Shire Abgaal ayaa si hufan uga falceliyay hadalka uu Wasiir Maxamuud Ceydiid meel uga dhacay dhalashada Ra’iisal Wasaare Xamse oo wuxuu yiri Maxamuud Caydiid wuu u gefay Ra’iisal Wasaare Xamse.
Waxaa kalo oo u farta ku fiiqay in Boqor Burhaan waxaa saaran waajib ah inuu ka hadlo afxumada Wasiirka Warfaafinta ee Puntland waayo aamusnaanta waxaa loo fasiran karaa taageerada afxumada. Waxaa intaas dheer, in tiirarkii is xaq-dhowrka oo asaas u ahaa Puntland ay meesha ka bexeen.
Beesha Daarood ayaa qaba in Haddii maamulka Puntland iyo Madaxda dhaqanka Daarood iska fogeyn waayaan Cayda Wasiir Maxamuud Ceydiid kula kacay Ra’iisal Wasaare Xamse, waxaa si dhab ah loogu qaadanayaa inay ku taageersan yihiin Wasiir Ceydiid afxumada.