Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 17 June 2025

Dadku Weligis Waa Is Qoonsan-jiray Tan Iyo Waqtigi Qaabiil .. Xasan Shiikh Oo Maanta Iska Soo Xiray Qodobki Saldhiga U Ahaa Dooda Mucaaradka

Monday - June 16, 2025



Mogdisho- Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta Mogdisho ka furay gogoshi wada-tashiga Qaran, taaso ka soo xireysa qodobadi ay ku doodayeen Mucaaradka oo madaxweynaha ku eedeeyeen in wax talo ah usan weydiin saamileyda siyaasada.

Gogosha waxaa yimi dhamaan xisbiyada Siyaasada ee Puntland ka jira, hasa-yeeshe xisbiga madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo kaliya ayaa ka maqnaa shirka 

Shan Xisbi siyaasadeed ayaa ka diwaan gashan Puntland waxaana Mogdisho yimi oo shirkaan ka soo qayb-galay Afar ka mida waxaana maqan oo kaliya xisbiga talada haya ee madaxweynaha Puntland u hogaaminaayo, Taaso oo muujineysa In Saciid Deni u galay go'doon siyaasadeed.

Sadex Maalmood ayaa la qorsheeyey in shirkaan u ka socdo Mogdisho, waxaana la filaya in beri u ka soo qayb galo Raiisal-wasaare Xamza .. Siyaasiyiinta Mucaaradka ee intooda badan ku midoobay madasha samata-bixinta ayaa diiday iney ka soo qayb-galaan gogosha madaxweynaha iyagoo maqnaasaha aan ku saleyn sabab loo qaateen ah .. Madaxweyne Xasan Shiikh oo khudbad ka jeediyey furitaanki shirka, waxuu ka hadla dhameystirka dastuurka lana kala saaro Qumani iyo qalooc, waxaana wax lagu kala qaybsanayaa sharaf iyo cadaalad