Xaqiiqada Go' Lama Saari-Karo .. Iraan Galka Sefta Kala Baxday Oo Gantalo Culus Samada Dab Cadabaha Ka Soo Daadineysa Ugu Jawaabtay .. Netan Oo Noqday Gawaan Aan Wax Maqlin .. Gaza Bishaarey U Tahay
Saturday - June 14, 2025
Ciidamada iiraan oo rogaal celin ku sameeyey iisraaiil, waxay garaaceen dhul baaxad weyn oo ay leedahay iisraaiil, waxay ku tuureen gantaalo ridada ddheer, kuwaaso si toosa u beegsaday yoolal muhiim ah oo ay ku jiraan xarunti dhexe ee ciidamada israaiil oo loo yaqaan " Kiryat" taaso ah dhise u dhiga Pentangoon-ka Mareykanka.
Wararka laga xigtay wariyaha arimaha dibada ee Fox News oo si toosa uga soo waramay magaalada Tel-Aviv ayaa sheegay in wax-yeelo waaweyn ay ka dhasheen weerarki ay soo qaaday iiraan .. iiraan waxay xalay oo dhan israaiil ku garaaceysay dhawr boqo oo gantaalo ah oo ridada dheer ah, mana ahayen waxa ay beegsanayeen goobaha raydka ah balse sido kale waxay garaacayeen saldhigyada Milatariga.
Wariyaha Fox News ayaa intaa ku daray in arlo dhan la burburiyey oo kharidada laga saaray, isla markaana xusay in kooxo samata-bixin ay qodayaan burburka oo ay dad badani ku hoos jiraan .. wuxuu yiri shacabka israaiil waa bar-bariiqanaya oo waxay ka gocanayaan siyaasada qar iska tuurka ee raiisal wasaare Neten-yahu