Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 13 June 2025

Sacid Deni Waa Inu Ogolaado Inu Guul-dareystay .. Siyaasiyiin Iyo Aqoon-yahano Jaanta Is La Helay Oo Arinka Mudug Meel Ka Wada Arakay Oo Baaq Dhiig Kiciyey Ka Soo Saaray

Wednesday - June 11, 2025




Geesiyaal Dhiidhiyey Oo ILaa 30 qof ka kooban siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ka soo jeeda gobolka Mudug (dhinaca Puntland) ayaa soo saaray baaq wadajir ah oo ku saabsan xaaladda uu ku sugan yahay gobolkaasi dhinaca amniga iyo horumarka.

Bayaan midaysan oo ka soo baxay xubnahan ayay kaga warbixiyeen xaaladda gobolka Mudug ee dhinaca ammaanka iyo horumarinta, waxaana ay xukuumadda Puntland u jeediyeen baaq ku aaddan in ay sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabato xaaladda amni-xumo iyo horumad la’aan ee ka jirta gobolkaas, gaar ahaanna colaadaha qabiilka iyo sidoo kale mashaariicda xanniban.

Xukuumadda madaxweyne Deni ayay ka dalbadeen in xaaladu isu badasho si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u fasaxdo dhammaam mashaariicda gobolka ka xanniban oo uu ugu horreeyo jidka Xarfo-Galkacyo, waxaana baaqooda u qornaa “Waxaan xukuumadda ka dalbanaynaa in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u fasaxdo mashaariicda gobolka ka xanniban oo uu ugu horreeyo jidka Xarfo-Galkacyo.”

Dhinaca kale, waxay ku baaqeen in la joojiyo dhammaan dagaalada sokeeye ee gobolka ka socda, laguna dhammeeyo wadahadal nabadeed, sidoo kalena deg deg wax looga qabto aanooyinka qabiilka ee soo noq-noqday laguna xalliyo qisaas” waa in deg deg wax looga qabtaa aanooyinka qabiilka laguna xalliyo qisaasi” ayay ku soo jeediyeen baaqooda.

Ugu danbayntii, waxay u soo jeediyeen dhammaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka Mudug in ay isugu yimaadaan shir muhim ah oo looga arrinsanayo horumarinta iyo xal u helidda dhibaatooyinka gobolka ka jira, kaasi oo siday tilmaameen ay dib ka soo sheegi doonaan wakhtigiisa.