Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 12 June 2025

Siyaasi Guuled Salax Oo Ku Baaqay: Arladi P/land Doc-kasta Wax-yeela Ka Jira Oo Doc U Fiyow Ma Jirto Ee Reer Puntlandow Lax Waliba Shilalkey Is Dhigto Ayaa Lagu Qala Ee Guntada Wa Galin-dambeedkiye

Monday - June 9, 2025





Siyaasi Guuleed Saalax Barre ayaa ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne Deni in ay joojiso cayda iyo jaa’ifaynta haldoorka iyo siyaasiyiinta ka ra’yi duwan ee dhaliilsan dowladda.

"Waxaan ugu baaqaya mas’uuliyiinta dowladda in ay aragti la yimaadaan oo dhaliilaha aan jeedino aragti ku beeniyaan, balse aysan cay iyo jaa’ifo kaga jawaabin wixii dhaliil ah ee loo jeediyo waayo?  Meeshay ka shaqaynayaan waa xafiis dowladeed oo umaddu lee dahay" ayuu yiri Dr. Guuleed Saalax.

Wuxuu kalo Guuleed yiri: Waxay gacanta ku hayaan waa shaqo umadeed, waxay biilanayaan waaa xoolihii umadda Puntland, marka haddii la yiraahdo waxaas baa qaldan, waa in haddii ay been tahay beeniyaan, haddii ay jirtana iska saxaan oo hagaajiyaan, balse ma-aha in ay Cay iyo jaa’ifo kaga jawaabaan"

Dr. Guuleed Saalax oo maanta Garoowe loogu doortay guddoomiyaha gole siyaasadeed oo ay ku midoobeen dhinacyo kala duwan oo aragti wadaag ah isuguna jira siyaasiyiin, aqoon-yahan, dhallinyaro iyo haween ayaa wuxu sidoo kale xukuumadda Puntland uga digay in ay ciddii ka ra’yi duwan ku shaabadayso kuwa meel laga soo diray .. Kaalaya Runta Ku Dhaqma ayuu Guuleed Hadalki Ku Soo Xiray