Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 28 May 2025

Qiso Mudan In La Akhriyo .. Xabiibi Marka Hore Adigu Noqo Mid Wanaaga Lagaga Daydo

Monday - May 26, 2025



Hadda Ka Hor Nin Gudoomiye deegaan ah ayaa dadkii u jeediyay khudbad waxaana uu ku dhiira-geliyay inay dadaalaan oo isku duubnaadaan isla markaana is Saamaxaan, waxaan uu sheegay in haddii aan la is Cafiyin aanay samayn-karayn horumar iyo wax wada-qabasi.

Gudoomiyuhu waxa uu ku dhiiri-geliyay in qof kastaa wixii uu ka carooday ee lagu sameeyay iska dhaafo oo ilaabo .. Markii uu Khudbadii iyo Waanadii dhameeyay ayay Xaaskiisi oo ka mid ahayd dadkii gaarigiisa ku soo qaaday, dabadeed mudadii ay dhexda ku soo jireen ayay ku tiri: Oday waxaan doonaya inaan arin kuu sheego waayo waxa saamayn igu yeeshay waanadii aad jeedisay .. Ninka ayaa ku yiri ii sheeg. Waxaana ay ku tiri: "Saacadii Dahabka ahayd ee aad iibisay ayaan dib u xaraashay, waayo waxaan u baahday Lacag, markaa waxaan doonayaa inaad arinkaasi iga cafido oo aad isaamxado”.

Ninkii gudoomiyaha ahaa ayaa gaarigii joojiyay isagoo aad u caraysan ayuu ku yiri : Waxaan aad ku hadalayso waa maxay? waxaad samaysay tuugo, mana dhici karto! Tuugo maa la saamixi karaa? .

Gabadhi xaaska ahayed oo dhoola cadaynaysa ayaa tiri: Waar gaariga inoo kexee saacadna maan iibine, waa tan gacantayda ku xirane, waxanse la yaabay ayey tiri: Cafiska aanad adiguba samayn-karin sida aad dadka ugu waaninayso, dadka aad u sheegayso inay is cafiyaan xumaan kala duwan ayaa dhex martay,! Adigoon xataa xaaskaaga Cafiyo Karin sided bulsho kale ugu Waanin cafiska?,

Waxa fiican in arinka kasta oo aad dadka ku waaninaysa uu noqdo mid aad adigu samayn karto, Dad badan ayaa arrimo iyaga ku adag dadka kale ku dhiirgeliya samayntooda.