Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 23 May 2025

Subxaana-laah .. Calaamadaha Qiyaamaha Ee Rasuulku Sheegay Oo Si Cad Loo Arkay

Thursday - May 22, 2025



Hada ka hor Waxaa uu Rasulku shegay in kontameeyo ka mid ah calaamadaha qiyaamaha la arki-doono, hadaba wax-yaaba u rasuulka SCW shegay waxa ka mida dadka Baadiyaha oo ku kala tartami-doono dhismayaasha dhaadheer .. Hadaba maanta meel walba waxaad ku arkeysa iyado lagu kala tartamaayo dhismayaal dhaadheer oo quruxsan, dabacan shaki kuma jiro in badan oo ka mid ah Daarahaas in ay ka soo jeedaan dadka Baadiyaha ee Badawga ah, sidoo kale shaki kuma jiro dhawr iyo kontonkaas arimood ee uu rasulku shegay in maantay ay soo daahireen in badan oo kamid ah .. Calaamadaha la sheegay waxaa ka mida Dhul-gariirka waa-yahaan dunida ku soo batay.

Hadaba Dhismahan waxay ku yaalin magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuuna socdey dhismihiisu mudo Lix sano ah, iyadoo la dhameystiray sanadkii 2010-kii, isagoo ka kooban 828 Meter ama 2,717 oo cagoodood (feet) .. Dhismahan wuxuu ka kooban 168 Dabaq waxaa ku baxdey 1.5 Bilyan oo doolar, waana Daarta ugu dheer ee bini-aadam sameeyey.

isla dhismaha Labaad ee caalamka soo mara abid ayaa asagana waxaa laga leeyahay wadamada carabta gaar ahaan boqortooyada sacuudi Arabia .. dhismahaan labaad oo ka soo jeeda magaalada barakaysan ee Makkah al-Mukarama asagana bal arag waa dhismaha labaad caalamka soo mara abid waa dhismaha ugu dheer oo ku soo xiga midka Duabai Ee imaaraadka

Hadaba qof walboow u diyaar garoow wixii aad Alle la hortagi-lahayd.