Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 22 May 2025

Hasha Geela Cunta Ee Cabaada Yaa Sheegi-Kara Ujeedada Ay Leedahay ? .. A .Madoobe Iyo Deni Dad is raba Ayey Kala Dilayan " Hawiye- Darood" .. Sankaaga Buro Ku Taal Lama Jaro Waad Ku Sigataaye

Tuesday - May 20, 2025




Sida la sheegay, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasi oo uu shir deg deg ah kula yeelanayo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, koleyba waxaa la xusaya iney hangoolo qabiil daabka wada haystaan oo halkaa heshiis suul iyo saxiixba duulaan siyaasadeed ku kiciyaan Xasan Shiikh, laakiin sida la carbaabay waxay iloosan-yihiin in taariikhda siyaasiinta daarood ay Xilka caqli iyo xod-xodasho wax ku raadin-jireen .. Deni Iyo Madoobe weli isma ay weydiin " Halkee bay Salaadu Ka Xirmi La'dahay" balse xoog-xoog iyo is boox-boox iyo waxaanu u qalmin ayey raban iney ku biyo batalaq-sadaan iyo Bac-bacda maqashi .. Cajabay Cajabey Waa Badawyaal oo wakaas Camal-kooda baa sheegay, oo iyaga geedka isku xiray .. Maanta Darood Yam-yam iyo qadaad-weyn baa booc-booc ugu tukubaya waxaana u sababa labadaas hogaamiyey oo ficilkood u dhaqmaaya sidi Jabhado

Haatan iyo Dan, ILo wareedyo ku sugan magaalada Nairobi ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Deni uu ku sii jeedo magaalada Nairobi, halkaasi oo uu markii ugu horraysay shir kula yeelan doono Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo aysan xiriirkoodu wanaagsanayn wixii ka danbeeyay doorashadii Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Xiriirka Axmed Madoobe iyo Siciid Deni uu dhawaanahan soo kabanayay, islamarkaana Shirkooda Nairobi uu salka ku hayo sida loo wajahayo dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Villa Somalia waddo, oo ay si adag uga horjeedaan labada hoggaamiye ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.