Dhiig-Karka .. Calaamadaha .. Sababaha .. Iyo Arimaha Khatarta
Sunday - May 18, 2025
Dhiig-karka (hypertension) waa xaalad caafimad oo joogto ah kaas oo keeneysa inu sare u kaco cadaadiska oo dhiigu ku marayo xididada waxuuna keeni kara dhaawacyo joogto oo ku yimaada Wadnaha, Maskaxda, Kiliyaha Iyo indhaha
Hadaba Qeybaha dhiig-karka:
1. Dhiig-karka Aasaasiga ah (Primary Hypertension)
Noocan waa kan ugu badan, wuxuuna si tartiib ah u horumaraa sanado badan iyada oo aan la helin sabab cad .. Arrimaha kor u qaada khatarta waxaa ka mid ah: Da’da, Hiddo-sideyaasha, Cunto Milix badan leh, Cayil, jimicsi la’aan iyo cadaadis maskaxeed joogto ah.
2. Dhiig-karka Labaad (Secondary Hypertension)
Noocan waxaa sababa xaalado caafimaad oo kale sida: cudurrada Kelyaha, dhibaatooyinka Qanjirka Tayroodka ama isticmaalka daawooyinka qaarkood. Wuxuu si lama filaan ah u soo baxaa waxaana lagu gartaa cadaadis dhiig oo aad u sarreeya marka loo eego nooca aasaasiga ah.
5. Dhiig-karka Xilliga Uurka (Gestational Hypertension):
Wuxuu dhacaa inta lagu jiro Uurka, gaar ahaan ka dib 20 Todobaad. Haddii aan la daaweyn, wuxuu keeni karaa dhibaatooyin sida "Preeclampsia" taas oo khatar ku ah hooyada iyo ilmaha.
Calaamadaha Dhiig-karka: Dhiig-karka badanaa calaamado ma laha, taasoo sababta in loo yaqaan "Dilaa aamusan" Si kastaba ha ahaatee, marka cadaadiska dhiigga uu aad u sarreeyo, calaamadaha soo socda ayaa laga yaabaa inay muuqdaan:
• Madax-xanuun Daran
• Indho oo dhibato ku timado
• Dhibaato Neefsashada
• Daal ama wareer
• Dhiig ka yimaada Sanka
• Xanuun laabta ah
• Dhiig ka muuqda Kaadida