Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 23 Feb 2025

Mantana Maxay Noqon .. Wafdi Leelkase Turubka Siyaasada Baandheya Kor Iyo Hoos Eegaya Oo Ah " Thin Thanks For Peace" Oo Gaaray Galkacyo-Galdogob .. Hindisaha Socdaal Waa Gogol Xaarka Wadada Nabada

Tuesday - Feb 18, 2025





Awliyooy Wanaagaa Ibliisoow Xumaanta .. Warka jira oo naga soo gaaray xagaa iyo Mudug ayaa tibaaxaya in gogol nabad looga hadlaayo halkaa iyo gaalkacyo dhawaanta la Madalaayo, waxaana gogoshaas ka dambeysay kadib marki magaalada Nairobi ay ku kulmeen Gacalo ka kala socda Beesha Sacad iyo Leelkase, kuwaaso ugu dambeyn ku heshiiyey in wada-hadalka googosha loo raaro magaalada Gaalkacyo oo halkaas iyado loo tiro-badsanaayo wax la isla meel dhigo .. Sida la xusay maamuuska gogosha waxaa marka hore furaya Reerka Majeerteen, kadibna labada dhinac waa Sacad iyo Lelkase waxay guda galayaan falaaqeynta iyo lafa-gurida dhibka dhacay iyo sidi xal waara loo heli-karo 

Colaadaan Labada beelood ee dhiiga dhalinyarada la daadinaayo dhimasho la door biday oo aysan ahayen marki ugu horeysay, balse soo jiitameysay muddo ku dhan 10 sano, waxay u baahan-tahay in lagu xaliyo Aqoon toosan, Miyir, Dulqaad iyo Deganaan .. waa in meesha laga saaro fikirka wixii la doono maroorsi iyo xoog lagu marsan-karo.

Wafdiga Leelkase oo ka kooban qurba joog iyo gudo joog oo ku suntan muddo badan kuwa maslaxad intaa raadinaaya ee hawshaas awgeed dhawaanta ka amba-baxay magaalada Nairobi waxayna gaareen magaalada Galdogob oo halkaas markiiba ay kula kulmeen Odayaashi iyo wax Garadki magaalada ku sugnaa .. Wada-hadal iyo is wargalin kadib waxaa la isku afgartay in xubnaha wafdigaan leelkase ee waawaanta wada la siiyo awood iyo wixii ay shirka ka soo qaadaan in lala qaato, hasa-ahaate waxaa dhinaca kale la is tusay inta aan heeshiiska la saxiixin la tashi ahaan beesha loola soo noqdo .. Nabada cid waliba waa ka masuul weyse qaybsan-tahay

Talo-ba Tagoogteeda Baa Lagu Tukubaa .. Raga Leelkase Ee U Socdaalay wadada nabada loo gogol xaaraayo Ee ah "Thin Thanks For Peace", waxaa hogaaminaaya, Rag xul ah oo ay ka mid yihiin Al-Ustad Muuse Dhagey, Dhigtoor Aadan Ugaas iyo jeneral Axmed Taajir iyo Rag kale oo iyagu aan ka dhicin mansabkaas oo kale .. Wafdigaan ismada leelkase oo iminka ku sugan gaalkacyo waxay muujinayaan rajo wanaagsan ..  Bismilaahi Yaasiin, Eebow Denbi Dhaaf Baan Kaa Dalbaneynaa Aamiin Aamiin