Halka U Xaal Maraayo .. Talo Maalin Bay Ahayd Waa Tii La Garan-waayey .. Xiisadi Gaalkacyo Oo Si Wada-jira Loo Dabray La Xakameeyey
Sunday - January 19, 2025
Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa Saaka illa xad degan, kadib marki xalay si weyn loo dabray lana xakameeyey xiisad laga dareemay Xaafadaha Garsoo iyo Wadajir, taaso salka ku haysay colaada dhex taal Sacad iyo Leelkase ee ku sugan gobolka Mudug .. Masuullinta Puntland iyo Galmudug iyo Odayaal cumaa-madaha madax ku soo duubtay suuf iyo xanjo isku xiraaya, oo is kaashanaaya ayaa ku guuleystay in ay xakameeyaan xiisada xalay laga dareemay xaafada Garsoor iyo Wadajir ee Gaalkacyo kadib markii ay dadaal xoogan ku bixiyeen dajinta xaalada, isla markaana si wada jira ciidamo loo geeyey inta u dhaxeysa labada xaafadood.
Maal-mahaan waxaa saaxda gobolka mudug ka soo cuboonaaday shakhsiyaad dhuluq-dhuluq u socda oo sidi ceeryaamada u dhex rooraaya oo iyagu ka dambeeya colaada iyo dhibka ka huraaya gobolka waxanaa la leeyahay Xamar baa laga soo daara .. Sida la leeyahay xiisada Gaalkacyo ayaa bilaabatay kadib marki labada xaafadood mid-kood ay Rasaas huwiyeen xaaafad kale, laakiin weli lama cadeyn xaafada xabada bilowday, koleyba xiisadu waxay salka ku haysa colaad beeleed soo noq-noqotay oo dhawaana-haanba ka aloosneyd degaanada galbeedka gobolka Mudug.
Xakameynta xiisadi laga dareemay gaalkacyo ayaa muujisay heerka biseylka shacabka labada dhinac ee gaalkacyo oo ay tahay iney ilaashadaan nabada iyo xasiloonida magaalada iyo dadka labada maamul oo nabada is ka kaashada