Waxaan La Isku Ogeyn Ninki Hoos U Unkama Anshax Ma Aha .. Markab Lagu Haystay Xeebaha Puntland Oo Maanta La Sii Daayey Kadib Marki Lacag Madax-furasho Ah Laga Qaatay
Monday - January 13, 2025
Markab kalluumeysi oo 27-kii November 2024 lagu qafaashay xeebaha Puntland ayaa ugu danbayntii la sii daayay maanta kaddib markii lacag madax-furasho ah la siiyay kooxo hubaysan oo haystay markabkaasi.
Markabkani oo ay saaran yihiin 18 shaqaale ah, islamarkaana laga lee yahay dalka Shiinaha ayaa u kiraysan shirkad kalluumeysi oo Taiwan laga lee yahay, taasi oo kalluunka u iib-geysa dalalka Spain iyo Talyaaniga, waxaana wakiil ka ahaa ganacsato Reer Puntland ah.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in kooxihii markabka haystay oo dalbanayay lacag dhan $10 milyan markii danbe lagu qanciyay in ay qaataan $2 milyan, sidaasina lagu sii daayay markabka, kaddib markii $2 milyan oo madax-furasho ah la siiyay kooxihii af-fuubka u haystay.
27-kii November 2024 ayaa markabkani kalluumeysi laga soo qafaashay xeebaha degmada Xaafuun ee Gobolka Bari, kaddib markii ay af-duubteen ilaaladii saarnayd, waxaana gadaal kaga biiray dable hubaysan oo ka baxay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.