Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 10 January 2025

Waa Maalin Jimce ILaahay Ha Na Waafajiyo Kheyrka Iyo Barakada .. Ibliis Oo Nin Gargaaray Iyo Ujeedka U Ka Lahaa

Thursday - January 9, 2025




Maalin Maalmaha ka mida, ibliis oo iska soo dhigay Oday shiikh ah ayaa waxuu la kulmay Nin Darbi jiifa .. Oday-iblis ayaa si deg deg ah ninki hurdada ka toosiyey oo ku yiri: War nin-yahow Darbiga waa u dumayaaye ee meesha isaga durug oo ka carar .. Darbigi isla markiiba intaan ninkiiba kaba fogaan ayuu soo dumay.

Ninki oo yaaban naxsan ayaa wuxuu Odagi ku yiri: war niyahow fiican ee nafsadeyda badbaadiyey maxaad ahayed .. Odaygi wuxuu yiri aniga waxaan ahay Ibliis, Ninki oo jawaabaya ayaa yiri: Aniga weligey ma maqlin mana arkin, lamana sheegin ibliis oo wax gargaaraya kala dir mooye ee maxaa xagaaga is ka badalay .. Ibliiski oo qoslaaya ayaa yiri: Waayaha jira wuxun baan arkaa iyo awood ogaansho waxa maqan, oo aniga dan kama lihi inaad nooshahay iyo inaad dhimato, balse ujeedkeygu wuxuu ahaa oo aan diidahayey inaad Shahiid ku dhimato .. Ninki Af kala-qaad iyo naxdin awgeed Kabash-Kabash goobti ayu ka cararay isagoo ku waashay Bisinka Iyo Subxaana-laah

Akhristow, Xumaan waxaa ka hufan Rabigi inaga dhigay ummad islaama ee nagu galadeystay Nabi Maxamed Rasuul iyo Nabi ahaan NNKH.