Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 January 2025

Saban Hore Wixii Soo Jiray Saaka Waxa Jooga .. Puntland Iyo Galmudug Oo Go'aano Wada Jir Ah Ka Soo Saaray Colaada Beelaha Sacad Iyo Leelkase

Thursday - January 9, 2025




Shir nabadeed oo maal-mahan magaalada Gaalkacyo uga socday mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayaa ugu danbayn laga soo saaray go’aanno ku saabsan xallinta colaad beeleeda ka aloosan degaannada galbeedka gobolka Mudug.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ee maalmahan Shirka nabadeed uga socday magaalada Gaalkacyo ayay ku shaaciyeen go'aanno ku saabsan xal u raadinta colaad beeleedka ka aloosan degaannada galbeedka gobolka Mudug.

Go’aannada wadajir ah oo ay soo saareen Puntland iyo Galmudug oo ka kooban Saddex qodob, ayaa waxa kamid ah: in mudda 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga Garnaqa khilaafka labada beelood, Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase.

Labada dhinac ayaa sidoo kale go’aamiyay In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha Sacad iyo Leelkase, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo Odayaasha Labada dhinac.

Go'aannada ku saabsan xal u raadinta colaad beeleedka ka aloosan degaannada galbeedka gobolka Mudug ee la soo saaray waxa sidoo kale ku jirta: in guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta inaan dhib dambe dhicin.