Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 9 January 2025

Waa Maalmo Murug Iyo Culeys Ay Muuslimiinta U Adkeysan- la'yihiin ..Wiilki U Dhalay Caalimki Weynaa Sh. Al-Qardaawi Oo Loo Gacan Galiyey Abu-Dabi .. Rabiyow Gacantaada Waxaa Ku Jira Xoog Iyo Itaal

Wednesday - January 8, 2025




Beirut – Dowladda Lubnaan ayaa ku dhowaaqday inay go’aansatay in ay aqbasho codsi uga yimid Imaaraadka oo ku aadan in loo gacan geliyo Abdul-Rahman al-Qaradawi, oo ka mid ah mucaaradka Masar, islamarkaana uu dhalay hogaamiyihii ruuxiga ee kooxda Ikhwaanul Muslimiin Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi.

Qaradaawi, oo sidoo kale ay baadi goobayaan mas’uuliyiinta Masar, ayaa lagu xiray Lubnaan dabayaaqadii bishii hore, kaddib markii uu ka soo tallaabay xadka Suuriya, sida uu xilligaas AFP u sheegay sarkaal ka tirsan garsoorka Lubnaan.

Xariga ayaa lala xiriiriyay xukunka Masar ay isagoo maqan ku riday Qaradaawi ee ku xukumay Shan sano oo xarig ah isagoo lagu eedeeyay in uu ka soo horjeedo dowladda iyo kicinta argagixisada, ayuu sarkaalka hadalkiisa ku daray.

Tan iyo markii la xiray 28-kii bishii December, Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba codsaday in loo soo gacan geliyo, sida uu sheegay sarkaal kale oo garsoorka ka tirsan oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan Ziad Makary oo shir jaraa’id qabtay Talaadadii ayaa sheegay in Qaradaawi loo masaafurin-doono Imaaraadka, isagoo intaa ku daray in go’aankan lagu gaaray shir ay yeesheen golaha wasiirrada.

Sida laga soo xigtay sarkaalka labaad ee garsoorka, codsiga Imaaraadku wuxuu ku salaysan yahay muuqaal Qaradaawi uu internetka soo dhigay isaga oo ku sugan Masjidka Umayyad ee Dimishiq, kaasi oo uu ugu dabaal-degayay afgambigii hogaamiyaha Suuriya Bashaar al-Asad bishii hore, kuna baaqay guul ka dhacda dalal kale.