Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 26 November 2024

Talo Maalin Bay Ahayd Waa La Garan-waayey .. Maamulki Axmad Madoobe Oo Dhabti Aragtay .. Jubaland Oo Dagaalka Qoraal Ka Soo Saartay

Tuesday - November 26, 2024




Jubbaland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ciidankeeda ay maanta iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalay la keenay degaanka Raas-kambooni oo ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ee ku sugan degaanka Raas-Kambooni ujeedada loo keenay ay tahay dano siyaasadeed islamarkaana ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamada Jubaland oo saldhigyo ku lahaa degaankaasi Raas-Kambooni.


“Malayshiyaad dowladda fadaraalka Soomaaliya ay labadii maalin ee u dambeysay kusoo daabuleysay Deegaanka  Raaskaambooni ee Dagmada Badhaadhe  kuwaa oo ay ujeedo siyaasadeed ka lahayd  ayaa weerar gardarro ah ku qaaday ciidamada Jubbaland ee fariisimaha ku lahaa deegaanka Raaskaambooni” ayay qoraalkeeda ku sheegtay Jubaland.

“Ciidamada geesiyaasha  ah ee Jubbaland oo gacanna kula dagaalamaya kooxaha Khawaarijta ah ayaa  iska caabiyay Maleeshiyaadka Muqdisho looga keenay khalkhal galinta  amniga iyo xasiloonida ay ahaystaan shacabka Jubaland” ayay sii raacisay dowlad goboleedka Jubaland oo si adag uga digtay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee dowladda Federaalka.