Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 21 November 2024

Sorry Rag Ma Kala Saarto Baa Horay Loo Yiri .. Safiirka Denamark Oo U Hogaansamay U Yeeristi DF Kadibna Bixiyey Raaligalin

Wednesday - November 20, 2024




Muqdisho – Safiirka dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa u hoggaansamay u yeeristii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isaga oo tegay xarunta wasaaradda, kadibna la kulmay Axmed Macallin Fiqi.

Ugu horreyn Danjire Steen Sonne Anderse ayaa raaligelin iyo cudur daar ka bixiyay hadal uu ugu gefay madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, kadib markii uu tegay Hargeysa, isaga oo kamid ahaa kormeera-yaasha caalamiga ah

Safiirka ayaa sheegay in Denmark ay ixtiraameyso midnimada Soomaaliya, isla-markaana hadalka uu jeediyay uu ka bixinayo raalligelin buuxda oo rasmi ah.

"Denmark waxay ixtiraamaysaa midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland," ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa X Danjire Steen Sonne Andersen, kadib kulanka uu la qaatay wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada dowladood uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, ayna ka wada shaqeeyaan arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso dowlad dhiska.

"Denmark iyo Soomaaliya waa labo dal oo uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, kana wada shaqeeya arrimo badan oo ay ku jiraan dhismaha dowladnimada, isbedelka cimillada iyo nabadda iyo amniga," ayuu hadalkiisa sii raaciyay safiiirka.

Arrintan ayaa dhalisay caro xoogan, waxaana Somaliland dhankeeda ay kasoo jawaabtay hadalkii wasiir Axmed Macalin Fiqi, iyada oo sheegtay inuu ka xunyahay horumarka ay gaareen reer Somaliland iyo doorashooyinka guuleystay oo ay qabsadeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa horay digniin ugu dirtay diblomaasiyiinta qaar, iyadoo uga digtay inay ku xadgudbaan madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. See less


Siyaasiyiinta Somaliland ayaa sidoo kale ku dooday in Wasiir Fiqi uu quuri waayey inuu hambalyeeyo guulaha ay gaareen reer Somaliland, taas bedelkeedna uu kiis ku soo oogay safiiradii Hargeysa u tegay inay taageeraan oo korjoogteeyaan doorashada.

Siyaasiyiin kale oo u badan reer SSC Khaatumo iyo reer Muqdisho ayaa dhankooda Wasiir Fiqi ku amaanay doorkiisa firfircoon ee diblomaasiyadeed iyo sida uu uga jawaabay xadgudubkii safiirkaas uu kula kacay qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.