Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 22 January 2025

ILaahay Hayna Waafajiyo Barakada Iyo Kheyrka Maalinta Jimcaha .. Wadadi Nolosha Ee Rasuulkeena Maxamed SCW .. Ku Dayasho Mudan

Thursday - November 7, 2024



Rabi isaga oo amaanaya Rasuulkiisa SCW, wuxuu yiri: "Waxaad ku sifowday akhlaaqda tan ugu wanaagsan" (Surat Al-qalam) Akhlaaqdaas waxaa ka mid ah in dadka lagu kasbado jaceyl, hadal san, dhaqan fiican, wax bixin (deeqsinimo), anshax wanaagsan .. Waxaa ka mid ah in qaraabada lagula noolaado kuwa dhow iyo kuwa fogba dabci wanaagsan. Sidoo kale waxaa ka mid ah in dadka loo sahlo umuur kasta oo kheyr ku jiro, in loo cafiyo wixii xaquuq ah ee lagu leeyahay, iyo in laga tago is jaridda ama goynta.

Nebigeena (SCW) wuxuu ku sifoobay waxaas oo akhlaaq wanaagsan ah, wuxuuna ahaa qof dhammeystiran .. Bal hadda nakeena walaalayaal aan aadno guriga Nebiga (scw), marka aan gaarno aqalka Nebigu (SCW) waxaan arkeynaa in Nebigu uusan is kellifi-jirin si uu u helo dhar iyo cunto.

Nebigu (SCW) wuxuu xiran jiray wixii ay u sahlan tahay heliddiisa, hase yeeshee marka uu qaabilayo wafdi ama ay tahay munaasabad ciideed, wuxuu xiran jiray dharka ugu heerka sarreeya .. Nebiga wuxuu cuni jiray wixii uu helo, haddii uusan waxba helina wuu iska seexan jiray isagoo calool maran, waxaana dhici jirtey in uu caloosha dhagax ku xiro si aan loo dareemin in uu baahan yahay.

Nebigu (SCW) hadii uu helo firaash harag ah ama derin ah wuu ku seexan jiray, hadii uusan midna hellina wuxuu seexan jiray dhulka .. Nebigena suuban wuxuu ahaa mid ka cabsada Alle, cibaadadiisuna badan tahay oo og inuu Rabbi daalacanayo, wuxuu u istaagayey habeenka Salaatu-Leyl ilaa ay caguhu ka bar-bararaan, indhahiisuna la ilmeeyaan cabsida Alle dartii, haba sii bataane marka la gaaro Ramadaanka.

Nebiga wuxuu ahaa mid daa'ima xuska Alle oo mar walba yiraahda"Bismillaah"marka uu cunayo, cabayo, marka uu istaagayo, marka uu wax sameynayo ama wax bilaabayo, wuxuu dhamaan oran jiray Nebiga (scw)"Bismillaah".