Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 22 January 2025

Jimca Barakeysan .. Aqoonta ILaahiyada Waa Tan Dadka Kala Hagta Una Siisa In Uu Ku Kala Garto Danbiga Iyo Kheyrka .. Shan Arin Oo Nabiga Maxamed CSW Ka Dardarmay Balse Meelaha Qaar Caadi Ka Ah

Thursday - October 31, 2024




Khudbaddii u bambaysay ee Nabi Muxamed (NNKH) u ka jeediyay xajkiisii u dambeeyay uguna horreeyay ee Dul-xija sanadkii Tobnaad ee Hijriyada ayaa waxay ahayd markii uu Nebiga NNKH Bini'aadamka oo dhan uu ujeediyay khudbad ay mudan tahay in qof walba oo Muslim ah uu akhriyo.

Nabi Muxamed (NNKH) afar jeer ayuu soo cumraystay, balse hal mar oo kaliya ayuu soo gutay waajibaadka xajka .. Waxaan diiradda saareynaa Shan wax-yaabood oo uu Nabiga ka dardaarmay balse dunida maanta aynu joogno caadi ka noqotay.

Wuxuu yiri "Dadyohow i dhagaysta, ma garanayo in sanadkaan kadib aan mar dambe halkaan soo istaagi doono Sidaa daraaddeed si fiican u dhagaysta warka aan idiin sheegayo, una sii gudbiya kuwa aysan u suurto galin inay halkaan nala joogaan.

Meeshaan barakaysan, maalintaan barakaysan iyo bishaan barakaysan darteed, xasuusnaada inaad dhabtii Rabbigiina la kulmi-doontaan, Acmaashiinana laydinka xisaabin-doono, hadaba digtoonaada.

Nebiga NNKH waxa uu maalintaas dadka u sheegay inay ku dedaalaan shanta tiir ee Islaamka, hadaba maxay yihiin?

1-Ribada (Dulsaarka)
2-Dhiigga bini’aadamka oo sabab la’aan la daadiyo
3-Dumarka
3- Ha is midab takoorina
4-Salaadda iyo tiirarka kale ee Islaamka
5- Caabud Allah (SWT) oo kaliya, si joogta ah u tuko shantaada salaaddood, Soon bisha barakaysan ee soonqaad, ka bixi hantidaadda sakko, soo gudo waajibaadka xajka hadi aad awoodid.”

Hase yeeshee maantaa waxaad arkeysaa dad badan oo Muslimiin ah oo ka soo bixin qaar ka mid ah waajibaad-kaas amaba dhammaantood.