Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 15 October 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Shanta Nooc Ee Awlaada Ugu Qay-bsanto Xaga Fulinta Amarka U Bixiyo Waalidka .. Akhristow Adigu Mid-keed Ka Tahay?

Saturday - October 12, 2024



Qoraalkan yar waxa uu kaa caawinayaa in aad fahamto xuquuqdaada iyo waajibaadka waalidnimo ..  Waalidku ilmihiisa waa inu ugu dadaalo xaga korimada, waxbarashada kal-jaceylka, dareenka iyo in la fahamsiiyo Labada waalid xuquuq-dooda .. Xataa haddii ay jiraan khilaafaad u dhexeeya Waalidka iyo ilmuhu waxa ay xaq u leeyihiin waalid-nimada in la wadaago.

Waa xaq iyo waajib in ilmaha ay waalidka u dhaga-nug-laadaan oo daryeel gaara had iyo jeer siiyaan .. sido kale ilmaha waa iney waalidka si fiican maqal iyo daryeel laga helo, haddi kale waa lagu xisaabinaaya

Hadaba waxaan halkaan idin ku Soo Gudbinaya Shanta Nooc Ee ilmuhu waalidka ula dhaqmaan Ama Sidey U Kala Fuliyaan Amarka Waalid-kood

1- Mid Ma Fuliyo Wixii Waalidku Amro, Oo dhagaha uma daloolaan .. Kaas Waa Akhas, Waa Caaq Caasi  Ah

2- Midna Amarka Waalidkiis Waa fuliya, Laakiin Wuxuu Ku fuliya Caga-jiid, Calaa-cal Iyo karah,  .. Kaas Ajar Ma Leh

3- Mid Wixii Waalidku Amro Waa fuliya, laakiin Wuxuu Ku fuliya Muran, Gunuunuc iyo Eed Sheegasho  .. Kaas Waa Dambile

4- Mid Waa Fuliya Amarka Waalidkiis, Wuxuuna ku fuliya Farax iyo Reyn-reyn .. Kaas Waa Ajar Badan-yahay

5- Midka Shanaad, Waa Kan Amarka Waalidka Si Wanaagsan U Qaata, Ama intaan La Amrin  isagu is xil-qaama Ama Waa is Dire .. Kaas Waa Baari karaameysan, Oo janaa u Dagan