Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 15 October 2024

Jimce Wanaagsan .. Kadib Shimbirki Marki Buulki U Ku Noolaa Ka Dumay Waxuu Joojiyey Tasbiixda Iyo Dikriga Iyo Alle Naxariistiisa Oo Amuurtaa Ka Hadlay

Friday - October 4, 2024




Waxaa jiray Shimbir Aad iyo Aad xag Alle baryadiia si joogta ah u xusi jiray, dabadeed mar dambe isago iishiisa la gureyso ciil iyo tiiraanyo ayaa la arkay maalmihii dambo dhan isago gabi ahaanba daayey xuskii badnaa iyo dikrigii, kadibna malaa'igtii oo arinkaas ka yaaban ayey Alla weydiyeen sababta Shimbirku uu u joojiyey tasbiixda u had jeer allihis ku xusi jiray .. Markaas ayaa Allaha Weyn waxa uu yiri: "iska dhaafa wuu ii Iman doonaa waayo ma jiro cid aan aniga ahayn oo uu dhibkiisa u sheegto amba uu u cawdo, laakiin Malaaigti waxey u maleynayeen in uu tasbiixdii iyo digrigii uu ku laaban-doono."

Maalintii danbe ayuu Allaha-Weyn waxaa u yimi shimbirkii isaga oo ku yiri "Rabbiyoow, soo ma ahid kan u taliya Qaruumaha aduunka oo dhan, Rabiyoow waxan lahaan jirey Buul yar oo aan aniga iyo caruurteyda ku hoyano, kaas oo ahaa hooyga kaliye ee aan haystay ee maxay iiga qaadatay Dabayshu?."

Markaas ayaa Alle Subxaana Wa-Tacaala waxuu ugu jawaabay " waxaa jirtey Abeeso Weyn oo goor habeyn miranaysa oo xagaa iyo Buulkaaga u soo socotay adiga oo dhex hurda rabteyna in ay ku qaniinto, anigana arintaas darteed ayaan Dabaysha kuugu keenay si aad u kacdo oo aysan kuu cunin Abeesadaasi" .. dabadeed isla markiiba Shimbirkii intu farxay lana yaaban awooda Rabi ayaa indhihiisii waxaa ka soo buuxsantay ilin wuxuna yiri : Alaahayow bad-baadintaada waa ku mahad-naqaya .. Allahayow gacantaada waxa ku jira xoog iyo itaal ee Rabiyow adigaa isku kaa-haleynaya oo kuwa sharka leh shar-kooda ha dhamaado..  Eebow Naxariistaadu Badanaa.

Ugu danbayn Akhristow, haddii aad ogaan lahayd sida Alle-Subxana Wa-Tacaale uu arimihiina idinku Dabiraayo waxey Quluub-tiinu la ooyi lahayd jacaylkiisa.