Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 15 October 2024

Doorashada Ameerika .. Madaxweyni Hore Ee Kuuba Fidal Kastro Muxuu Ka Yiri Dorashoyinka US-Ameerika

Tuesday - October 1, 2024




Mar ay taariikhdu ahayed 1960, ayaa Madaxweyni hore halyeygi dawlada Kuuba ee magaciisa la oran jiray Fidal Castro waxaa la weydiiyey su'aal la xariirta doorsho markaas ka socotay dalka mareykanka oo dhex-mareysay John Kenady iyo Nikson, waxaana la yiri: Mudane Kastrow Labada u tartameysa madax-tinimada Ameerka ee kala ah John Kanedy Iyo Nikson, keeba Fadali lahayed inu soo baxo

Madaxweyne Kastro, oo dhoola-cadeeyey ayaa yiri: Micno ma sameyneyso in la kala doorto laba Kabood aad xiran-tahay midkood .. Ameerika ayuu yiri Hal xisbi ayaa xukuma, kaana waa Xisbiga Sahyuuniyada-Yuhuuda oo leh laba garab .. Garab ku magacaaban xisbiga Jamhuuriga oo matala Midigta fog ee Sahyuuniyada-yuhuuda, halka kan kale ee Xisbiga Dimocaratka u matalo xisbiga Libaraalka Sahyuuniyada, hasa ahaate guud ahan labada xisbi xaga Baadinka wax farqi ah ma ay kala laha, balse aragtida guud ee xaga danaha istraatijiyada Yahuuda waa isaga mid, laakiin habka loo maraayo danaha Sahyuuniyada-Yuhuuda iyo Aalada la adeeg-sanaayo ayey ku kala duwan, sidaa daraadeedna Sahyuuniyada awooda ay ku dhex-yeesheen bulshada Ameerka waxaa u suuragasha iney musharaxa Day-day ah afka ka galiyaan Shacabka Ameerika, wixii qorshaha Yuhuuda soo dhex galana kama macaashaan,


hits Hits : 2130