Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 15 October 2024

Daraasad Ay Sameysay Jaamacada Yeel Ee Cariga Mareykanka .. Sidee U Xakameyn-kartaa Kacdoonka Caradaada " Xanaaqa"

Monday - September 30, 2024




Daraasad ay sameysay jaamacadda "Yale" Ee Ku Taal Cariga Mareynkanka, ayaa sheegtay in qofka si fudud u carooda uu halis badan ugu jiro "Dhiig-karka" iyo Wadne istaaga .. sido kale Daraasad kale oo ay sameysay iyadan jaamacada "IOWA" waxay tilmaamaysaa in afar meelood meel ay ragga Xanaaqa badan halis u yihiin geerida degdega ah, ayagoo hal mar iyo bar kaga halis badan raga kale. 

Cilmi-baarayaasha ayaa ku baraarugay, in ay ku soo badanayso dadka Carooda dhexdooda khatarta geerida degdegga ah, waliba si gaar ah ugu badan tahay dadka sida fudud u carooda, Waxayna diraasaddan ay ka qayb qaateen 1300 qof, oo ay da’doodu ka hoosayso 30 jirka ay tilmaamtay: in Xanaaqu jibbaaro khatara in qofku ku dhaco Wadne xanuun .. Caradu waxay halis ku tahay caafimaad-keena iyo nolosheena, waxayna keeni kartaa dhibaatooyin maalinle ah. Waxay naga hor istaagtaa inaan gaarno yoolal-kayaga, sababtoo ah, markasta oo aan xanaaqno, waxaan luminnaa fursado, waxaan dhaawacnaa dadka aan jecelnahay.

Aniga oo arrintan ka duulayana, waxaa halkan ku xusan talooyin ku saabsan sida loo xakameeyo ama loo maarayn karo carada:

1. Xal Degdeg Ah U Hel Dhibaatada: Mar Alle markii aad dareentid caro, qabo shaqooyin fudud oo kaa mashquuliya in xaalku sii cakirmo

2. Qor Dareenkaaga: Qoridda dareenkaaga iyo caradaada waa hab wanaagsan oo aad ku xakameyn karto. Haddii aad isku dhacdaan Lammaanahaaga, Walaalahaa ama Saaxiibadaa, halkii xanaaqaagu saamayn lahaa xiriirkiina, waxaad ku wareejin kartaa caradaas warqad ama qaybta qoraalka ee taleefankaaga. Waa hubaal marka aad dareenkaaga ku cabbirto qoraal, inuu yaraado cadaadiska kaa soo gaaray Caradaas.

3. Tanaasul: Haddii qofka kula doodaya hadalkiisu qaylo noqdo, kuuna muuqato in xaaladdu ka sii dareyso, ka cudurdaaro in wada-hadalkaas aad daraf ka sii ahaato. Qayladu khayr ma soo hoggamiso, balse waji-gabax iyo in la isku sii xumaado ayaa ka dhalata.

4. Ka Fogow Meelaha Kugu Abuuri Kara Caro: Meelaha iyo dadka kugu abuuri kara xaalad degganaan la'aan ah iyo caro, isku day inaad ka fogaato inta karaankaaga ah. Waan dareemi karaa adkaanta arrinkaa, balse xitaa qofka kugula nool hal guri, waad iska takoori kartaa ilaa xad haddii uu sabab u yahay xanaaqaaga, si loogu noolaado jawi nabadgelyo ah.

5. Ka Fikir Inta Aadan Falcelin: Marka uu qof kuu gafo ama kaa xanaajiyo, inta aadan caayin oo gelin giraan caro iyo buuq ah, ama falcelin degdega bixin, is weydii: Ma sii caraysnaan doontaa todobaadka soo socda? Dhoohanaanta ama mooganaanta ogaalka ah, waa Kaarto ay isku meel mariyaan dadka caqliga leh.

6. Baddel Xaalka Aad Ku Sugan Tahay: Marka aad xanaaqdo, haddii aad taagan tahay fariiso. Haddii aad fadhidana, isku day inaad jiifsato. Isbeddel-kani wuxuu kaa caawin doonaa yareynta xaddiga xanaaqaaga, 

Waxaa laga weriyay Abbii Dar; inuu yiri: Nebigu (NNKH) wuxuu yiri: "Marka qof idinka mid ah uu xanaaqo isagoo taagan, ha fariisto, haddii caradu aysan ka tegin, ha jiifsado.”

7. ILaahay Shaydaanka Ka Magan Gal: Marka aad xanaaqdo bilow tiro Wardi ah .. Wardiga ayaa qaboojin-doona foolkaanaha iyo kar-karka xanaaqa ku soo haya, hakinta dareenka inta aadan xanaaq burqan, waxay kaa yareyn kartaa heerka falcelinta.