Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 15 October 2024

Maalmihi Tilmaanaa Iyo Taariikh Qoran .. Hogaamiyihi Hore Xisbiga Shuuciga Ee Soviet Union Marshal Josph Stalin Iyo Wadadi Habaarneyd Ee Uu U Maray In Xumaan Iyo Samaan Labadaba Lagu Taageero

Saturday - September 28, 2024




Is Gad-Gadiska Waqtiga Iyo Waayaha Dunida .. Hogaamiyihi hore Xisbiga Shuuciga ee dalki la oran jiray Soviet Union magaciisu ahaa "Joseph Stalin" wuxuu maalin maalmaha ka mida isugu yeeray madaxdi gudonka sare ee xisbiga shuuciga, dabadeed wuxuu gacanta ku qabtay Digaagad "Dooro" agtisa loogu diyaariyey, oo isla markiiba ku bilaabay inu Baalaha ka rifo .. Digaagadi oo si xun u xanuunsatay wiiqda haysa waxaa u suuragali-weyday iney gacantiisa ka baxdo ma daama u xoog u hayey awgeed

Hogaamiyihi Stalin, Digaagadi marku Baalaha muluq ka dhigay ayuu si daayey oo haddana u tuuray xabado Masago ah, markaas ayey iyado xanuun la damqaneysa xagiisa ku soo oroday oo markiiba agtiisa ka gurub-satay mirihi Masagada loo tuuray, balse inta kuma ay ekaane waxay daba gashay Stalin-ki xanujiyey oo hadba meeshu galo ka daba quruuf-leysay

Hogaamiye Stailin, oo ahaa nin naxariis daran Keli-taliye ahaa ayaa isago la jiriq-sanaaya miciyo is galay halki khudbad gaaban ujeediyey golihi sare Xisbiga shuuciga ee daawanaayey falkiisa, wuxuuna ku yiri: Jaalayaal ma ujeedeen waxaan ku sameeyey Digaagadi iyo wixii xanuun aan mariyey iyo sida ay aakhrki ii daba-gashay ee jaala-yaalow waxaa jira Dad sida Digaagaas oo kale ay tahay in loola macaamilo .. Dadku inta badan ma laha ayuu yiri "Madax hadal galo, balse waxay leeyihiin Madax gumac Rasaas gala"

Xubnihi Xisbiga Shuuciga oo arkay falaadkiisa iyo naxriis darada ka muuqata Stalin, wey isku kaadiyeen oo isla markiiba candhuuf-tooda ayey dib u liqeen, oo isu badalen "Nacam-yaal wax loo yeeriyo Mooye aan iyaku maskaxdooda wax ku sameyn-karin"  Qaarkoodna waxaa laga wariyey iney yiraahdeen " Stalin Waaba La ogaan wuxuu soo wado"

Hogaamiye Josef Stalin cabsi laga qabo awgeed indhaha dadka waa u darnaa, wuxuu dhintay Bishi March 5-teeda 1953 wuxuuna ahaa Kali-taliye Beer Adag Rag Quusiyey kuna abuuray naxdin joogta ah Xaniyaha qabtay, hasa-yeeshe isla markaana ku baaqay in la sinaado, la isu arxamo iyo taa badalkeeda in aan la is dulmin, sido kale bulshadiisi dhabo horumar cad u jeexay .. wuxuu ahaa dilaa qaatil la yaqaan, laakin runti bulshadi dalkiisa wuxuu ka saaray Yawnimadi, Is maroojinti iyo Dimoqaraadiyadi sidi Cin-jirka la kala jiidanaayo, taaso keentay Dawladi Shuuciga Ee Soviet-ka ay u gudbeen heerka Super Power oo ay ilaa maanta ku naaloonayaan