Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 21 November 2024

Libaax 30-Cisho Xaraig Adag Ah Ku Xukumay Dawaco Dameer La Murantay .. Dawacoy Waano Dhalan Baa Ka Adag Ee Yaa Ku Yiri Dameer Doqon Ah La Muran

Sunday - August 11, 2024





Maalin maalmaha ka mid ah baa waxa wadda dooday Dameer iyo Dawaco, waxana ay isku qabteen midabka Geedaha .. Sheeko dheer ka dib Dawacadii baa tiri: Geedaha midab-koodu waa Doog "Cagaar"  Dameerkii baa isna yiri: Maya-maya ee Geedaha midab-koodu waa Huruud " Buluug" 

Markii midba kiisii ku dhegey, ee ay is-qancin kari waayeen, ayey go'aansa-deen in ay Libaaxii isula tagaan si uu runta ugu kala sheegoo una kala xukumo .. Xaajaddii ay isku hayeen Ayey u kala sheeg-teen Libaaxii oo midba doodisii buu u marsaday siduu u rabay. 

Libaaxii markii u dhegaystay wixii ay ku kala hadleen, Libaaxi wuxuu Xaakimkii, uu ku xukumay Dacawaddii in la xiro 30 Casho oo xarig adag ah iyo 3 Cisho aan wax la siin. Intaas markii ay dhacday, baa Dawacadii ku tiri Libaaxii:- Waad og-tahay in midabka Geeduhu ay ay Doog ana Cagaar yihiin,oo aan anigu saxsanahay ee maxaad ii xirty .. Libaaxi waxa uu ugu jawaabay: Adigu Yaa kugu yiri Dameer Doqon ah la muran.

Akhristaw Dacawaddii inta hoos qosol digix uga siisay, bay libaaxii ku tiri hadaan fahmay waxad ii xirtay, waa runtaa oo anaa khakadka leh, waayo waxan la dooday wax ma garato aanan isku maskax ahayn. Waayo wax aan wax fahmayn kuma qancin-kartid, ilayn aqoon-tiisu halkaa ma gaartee.