Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 21 November 2024

Wasiirka A. Dibada Turkiga Oo Nasteexo Bixiyey: Abiyow Dalkaaga Ha Ceybeyn Oo Doqon Yaanu Ku Rarin .. Sii Jeeso Ama Soo Jeeso Somaliya Ma Kala Go'ayso Ee Sidaas Ma Isku Raacnaa Mise Waa Qasanaa

Saturday - August 3, 2024



Adis-Ababa- Ra’iisul wasaaraha waddanka Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa saaka oo Sabti ah xafiiskiisa ku qaabiley wasiirka Arrimaha dibadda dalka Turkiga "Hakan Fidan" oo booqasho rasmi ah ku tegey Ethiopia .. wasiirka ayaa halkaa u tagay inu soo dhageysto qiilka sharci u Abiy ku baneysanaayo inu ku soo duulo arlada somaliya gaar ahaan hamigooda la xariira iney Bada somaliya boobaan .. Wararku waxay sheegayaan in wasiirka Turkiga u ku yiri Abiy: Abiyow si jeeso ama soo jeeso somaliya ma kala go'eyso, balse Raali ma ka tahay in Aan gobolka Tigrey Ictiraafno, oo hadey Maya tahay jooji talo xumida iyo xag-jirnimada waalan, mise xaalku waa miskiin baa miska la fuulol eh .. Sida la yiri Finalki Abiy Axmed hadalki wasiirka waa uu u xadreeyey

Dhinaca kale, Qoraal kooban oo uu soo saaray Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayuu ku sheegay in uu saaka xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Turkiga Hakan Fidan oo booqasho ku yimid dalka Ethiopia.

"Saaka waxaan qaabiley Hakan Fidan, wasiirka arrimaha dibadda ee jamhuuriyaddaTurkiga. Waxaan ka wada hadli doonnaa xoojinta xiriirka labada dal" ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia Abiy Ahmed.

Dhinaca kale, Turkiga ayaa dhex dhexaadinaya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana bisha soo socoto ee September loo balansan yahay wejiga labaad ee wada hadalada labada dhinac.