Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 January 2025

Hogaamiye Haniya Wuxuu Falastiin U Ahaa Feynuus U Bidhaamay .. Geeri Kaliya Ma Ahayen Ee Waa Geeriyo Badan Oo Kulmay .. Dilkiisa Oo Dunida Galiyey Khalkhal Iyo Dareen .. Booski U Ka Baxay Ma La ....

Wednesday - July 31, 2024





Dhaq-dhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas waxay baroor diiqaysaa shacabkeena weyn ee reer falastiin, Carabta iyo Islaamka iyo dhamaan shacabka xorta ah ee caalamka,  walaal hogaamiye, shahiid, Mujaahid Ismaaciil Haniyeh. Sidaa waxa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Xamaas.

Bayaanka baroordiiqda ah, ayaa yimi kadib markii dalka Iran lagu dilay Madaxii dhaq-dhaqaaqa Kooxda Xamaas ee Falastiin Ismail Haniya oo lagu khaarajiyay weerar khiyaano ah oo ay ka danbeeyeen Sahyuuniyadda, kaas oo ay ku qaadeen hoyga uu ka degganaa magaalada Tehran, ka dib markii uu ka qeyb galay xafladii caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran.

Saamaynta ugu weyn ee gobolka oo dhan iyo dunida kale ayaa ka falcelyay Garabka militeriga Xamaas, Guutada Qassam ayaa dilka Haniya  ku tilmaamay "dhacdo khatar ah" oo cawaaqib xun reebi doonta"

Noloshiisii ​​waxay ku dhammaatay inuu shahiiday dagaalkii ugu waynaa ee "Daadadka Al-Aqsa" ee ay dadkeennu iyo kuwa xorta ah ee ummaddeennu u dagaallamayeen iyagoo difaacaya Al-Aqsa iyo xurmada ayey ku yiraahdeen bayaankoodi