Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 January 2025

Raad Raaca Taariikhda Madax-weynayaasha .. Takhaatirti Jarmalka Ee Daaweyneysay Madaxweyne Xusni Mubaarak Oo Ku Tilmaantay Inu yahay Madaxweyne Faashil Ah Garashana Ka Gablamay

Sunday - July 28, 2024


Taariikh Qarsooneyd Oo Banaanka La Keenay ...Waqti ay ahayed sanadki 1999-2000 , waxaa jiraday Madaxweynihi Xusni Mubaarak ee dalka Masar, kadib iyado lala tacaalaayo xanuunki iyo xumaddi haysey, waxaa isla markiiba loola cararay dalka Jarmalka, halkaaso isla markiiba la seexiyey isbitaal weyn oo bukaanka lagu daaweeyo

Baaris iyo sheybaaro looga raad-raaco sababta jiradiisa kadib, waxay takhaatirti go'aansadeen iney qaliin ku sameeyaan .. dabcan intaan qaliinka la sameyen waxaa jira Takhtar khaas u ah xaga Suux-nimaadka, sidaa daraadeed waxaa loo yeeray Takhtarki suuxin-lahaa Madaxweyne Xusni Mubaarak.

Takhtarki suux-nimaadka oo markaas aan la socon ninka la yiri Suuxi, wuxuu su'aal weydiiyey gabadhi kal-kaalisada "Nurse" ee qaabilsaneyd Sariirta Xusni Mubaarak .. Takhtarki wax Suuxinaayey ayaa su'aal weydiyey gabadhi Kal-kaaisada oo ku yiri " muxuu yahay ninkaan aan Suuxinaayo" waxay gabadhi ku tiri: ninkaan waa madaxweynihi Masar oo Sodon sano ayuu dalkaas xukumaayey .. Takhtarki wax Suuxinaayey oo cajab iyo la yaab warkaas ku noqday, ayaa markiiba hadal la soo booday oo yiri "Waa madaxweyne Faashil Ah"

Gabadhi Kal-kaalisada Ahayed ayaa jawaab u celisay takhtarki oo tiri: oo hadaadan aqoon side ku tiri waa faashil .. Takhtarki ayaa hadal ku celiyey gabadhi oo yiri : Madaxweyne Sodon sano dal xukumaayey oo haddana Takhtar halkaan u soo aaday waa faashil, waayo waxay ahayed ayuu yir; ma daama u 30 sano dalkaa xukumaayey waxay ahayed inu dalkiisa isbitaalo u sameeyo .. Gabadhi Kal-kaalisada ahayed waxay ku qanacday hadalki Takhtarka Suuxiya ahaa.

Xusni Mubaarak xilka wuxuu qabtay 1981, wuxuuna maamulaayey illa 2011 .. waxaa xilka ka tuuray kadib Kacdoonki Guga-Carabta ee ka dhacay dalkaas .. Xusni Mubaarak Waxaa u ku geeriyooday Da'da 91 sano