Xaajo Waxaa Loo Dhiiba Nin Xalin-Kara Ama Xafidi-Kara .. Ciidamada Abiy Oo Ku Kacay Fal Xasaasi Ah Iyo Abiy Axmed Oo Far-yaro Bidix Ka Si Baxaya
Thursday - April 25, 2024
Addis Ababa – Ciidamada dowladda federaalka ee taliska Abiy Axmed ayaa toogasho ku dilay Takhtar ku taqasuustay maqaarka oo ka howlgalaysay isbitaalka Debere Markos ee gobolka Amxaarada.
Sidoo kale warbixinada laga helayo dalka Itoobiya waxay sheegayaan in dad gaaraya 50,000 oo qof ay ka barakaceen dagaalo culus oo ka socda waqooyiga dalka Itoobiya oo cagaha la galay dirir sokeeye oo daba-dheeraatay.
Dr. Elizabeth Teshome oo aheyd aqoonyahanad mardhaw dhameysay waxabarashada sare ayaa shalay lagu dilay, isla magaalada Debere Markos aaga Gojam, kadib markii ciidamada maamulka Abiy Axmed ay toogteen.
Bulshada ku nool gobolka Amxaarada oo ka gadooday ayaa ka codsaday hay’adaha xuquuqul insaanka iyo Qaramada Midoobay in baaris lagu sameeyo dilalka iyo tacaddiyada maamulka Abiy Axmed uu ka wado gobalka.
Dhinaca kale, In ka badan 50,000 oo ruux ayaa ku barakacay isku dhacyada ka jira woqooyiga dalka Ethiopia, waxa ayna beesha caalamka ka muuujineysaa walaac xoogan oo ku saabsan rabshadaha ay qeybta ka yihiin dagaalada u dhaxeeya ciidanka iyo dagaal yahano ka soo jeedo gobalada dalkaas.
“Xaalada beni’aadinimo oo aad u daran ayaa jirta, kumanaan haween iyo carruur ayaa u baahan kaalmo deg-deg ah si loo badbaadiyo, sidaa waxaa tiri Qaramada Midoobey oo soo xiganeysa mas’uuliyinta degaannda lagu muran-san yahay ee ay ee kala sheegtaan Tigreega iyo Amxarada ee dalkaasi.
Ciidanka Amxarada ayaa qabsaday Raya Alamata oo dhacda koonfurta Tigrey intii uu socday dagaalka labada sano jirsaday ee u dhaxeeya ciidanka maamulka Abiy Axmed ee ay ku qaadeen maamulka Tigreega ee woqooyiga dalkaasi.
Wararka dhiilada dagaalka xambaarsan ee ka jira Ethiopian iyo xaaaladaha beni’aadinimo ayaa keentay in beesha Caalamka iyo safaradaha dhowr dal oo ku jiraan Mareykanka, UK, Japan iyo franca in ay ku baaqaan wadahdal deg-deg ah oo lagu yareynayo xiisadaha colaadeed si loo ilaaliyo dadka rayidka.