Dambiga La Galay Waa Da'weynyahay .. Maleeshiyadka Beesha Leelkase Oo Hegan Dirir Sare Galay .. Majliska Wax-garadka Beesha Sacad Oo Qorsheynaya Sidi Talo Nabadeed Loo Surta-galin Lahaa
Tuesday - October 3, 2023
Wararka ilaa maanta laga helaayo gobolka mudug iyo waliba gaar ahaan deegaanka galdogob waxaa la soo tabinaya in odayaasha garcasta iyo wax-garadki beesha Sacad ay si guud oo baaq nabadeed ah uga falceliyeen dhacdadi talo xumida foosha xumeyd ee nabarka weyn ku gaaray reeraha Leelkase .. shakhsiyaad badan oo tolka Sacad gudo iyo dibad ku laran ayaa arintaa si dhaba u cambaareeyey, waxayna si cad u sheegeen in dad muraad leh ay dhagartaas ka dambeeyaan, isla markaana balan-qaaden iney cagta cagta u saari-doonaan cid kasta oo ka dambeeysay Dacfaruuka Nabadi ka dhaxeysay Sacad Iyo Leelkase
Dhinaca kale odayaasha beesha Leelkase oo si un marki hore u gadoodsanaa ayaa dhinacooda soo dhaweeyey hadalada odayaasha beesha Sacad oo sheegatay iney ku hawlan-yihiin wax ka qabashada dulmiga iyo hagardaamada dhacay, waxay kalo cadeeyeen in falkaan ay geysteen Dib-jir iyo Majnuun la soo kireystay, oo ujeedadu ahayed in guud ahaan mandiqada dagaal sokeeye iyo dab ololaaya laga abuuro, hasa ahaate odayaashi Leelkase oo iyagana fadhigaas hadal kooban ka yiri: Sacdow Dambi Weyn ayaa naga gasheen waana dhibaato Nin dabeecadiisu xun-tahay oo haddana diin kula haysta oo haddana diirka naga shabaha oo hadana daris kula ah oo dil mooye laga waayey raadki nabada