Wixii La Walaaqan Jiray Oo Jeebka Lagala Soo Baxay iyo Ha Is Qalatee Ka Faaiid .. Wixii Horay Loogu Heshiiyey Oo Cirka La Geeyey .. Xildhiban Axmad Taajir Oo Ku Baaqay Soo Afjarida Caashaqa Dagaalka
Monday - October 2, 2023
Wararka naga soo gaaraya degmada Galdogob ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo qalalaaso dagaal u dhaxeeya Laba maleeshiyo beeleed, taasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan, balse khasaaraha dhabta ah weli labada dhinac lama soo tira-koobin
Maleeshiyo beeleedka oo ka soo kala jeeda degmada Galdogob "Leelkase" iyo degaanka Bandiiradley " Sacad" oo ka kala tirsan maamulka Puntland iyo Galmudug, ayaa waxa uu dagaalkooda salka ku haya muran dhul daaqsimeed halkaas ku yaalla iyadoo murankiisa horay heshiis dhaba laga gaaray
Deegaanka ay haatan dirirtu ka dhacayso ayaa lagu magacaba "Dalsan" wuxuuna maamul ahaan lagana xukuma degmada Galdogob ee gobolka Mudug, waxaase warku intaa ku daraya in bulshada Galdogob ay dareenka arlada soo galay ka wada siman-yihiin, laakin ma jirto dhiilo colaadeed amase ciidan maleeshiyaad loo dumay goobaha dagaalku ka socdo, hasa-ahaate waxaa la arkaayey Hub gaadiid ku xambaarsan oo heegan ku jira
Wararka ayaa intaas ku sii daraya in dagaalkan uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, waxaana lagu soo waramay in ugu yaraan ila 16 Qof ay galaafatay dirirtaan.
Sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in ciidamo ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug ay ku baxeen colaadda, si loo joojiyo dirirta u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed.
Labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo ayaa horey heshiis loo dhex dhigay, ayada oo shirar loogu qabtay Bandiiradley iyo Galgodob, kaasi oo ay uga heshiiyeen colaad dheeraatay oo u dhaxeysay labada dhinac.
Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Taajir oo ka murugsanaa xiisada halkaa ka oogan ayaa maanta shir jaraaiid mogdisha uga baaqay oo yiri: in wixii hadda ka hor la walaaqan jiray ee munaafaqa shiday maanta ayaa jeebka lagala soo baxay ee waalida socota si dhaqso ah loo soo afjaro lagana fogaado mililka naceybka caloosha jiifa ee beeleysan, mana aha ayuu yiri wax aan Sakaaro ka biyo cabin in dad naftooda ku waayaan .. Xildhibaan Axmed Taajir iyo xildhibaano kale oo isla beesha ah ayaa hadda ku hawlan xiriiro waan-waan la sameynaaya masuullinta qaar ka mida beesha Sacad, kuwaaso dhigooda xildhibaan ku dhiiri-galinaaya iney qayb ka qataan baaqa nabada