Waa Aqoon Guud Aan Jecleystay In Aan Idin La Wadaago .. Waligaa Ma La Kulantay Shakhsi Isla Qab-weyn Amase Is Cajabiyey .. Cudurka Kaligii Qumane Kaligii Fiicne "Narcissism"
Sunday - October 1, 2023
Haddi aad la kulanto shakhsi isla qab-weyn ama is-cajabinaaya hadde ogow qofkaas waxa u qabi-kara xanuunka ku dhaca Nafsada ee la yiraahdo "Narcissism" .. culuumta ku takhasuustay cilmi nafsiga "Psychology" waxay ay sheegeen qofka la il-daranyahay Xanuunka "Narcissism" Waxana lagu gartaa siyabahan hoos ku xusan:-
1) Qofkan isagaa ayaa is cajibiya Muuqal-ahaan iyo Maan-ahaanba, waxa u isku qabaa in u kaa sareeyo kaana fiicanyahay.
2) Waxa uu jecelyahay in la amaano dadka kalena laga hore mariyo "Compliment" guul aanu lahayna lagu amaano.
3) Hadii uu maqlo qof kale oo guul gaaray waa u quursada. Oo uma qiro qof kale guushisa.
4) Waa shakhsi muran badan, oo jecel in tiisu u meel marto. Cidkasto ka fikir duwan uma dulqaato oo daaha dabadiisa ayuu ka cayaa hadhaw.
5) Hadii aad la rafiiqdi ma fahmi karti dabeecadiisa oo Jinwas ayuu leeyahay. Isagoo faraxsana saacad ka hor ayaa aad arkaysa isagii oo caraysan saacad kadib" Swing Mood"
6) Waxa kale oo uu jecelyahay in u muraayada isku daawado had iyo jeer, oo murqiihisa ama jirkiisa daawado.
7) Ma jecela in uu maqlo amaan ama guulo cidkale gaartay, hadii u maqlana waa u ka naxaa.
Hadaba hadii shaksigan aad la kulantay ama aad aragti ogow in uu yahay ruux jiran oo aan is ogayn. Iskana ilaali in aad la rafiiqdo ama saxiib dhow la noqoti.