Hambalyo Dhalashadi Nabigeena Maxamed Caleyihi Salaatu-Laahi Caleyhi Salaamu-Laahi .. Ninki Jeceloow Ha Seegin .. Ninki Diidani Ha Suuxo .. Saliga Ha Ku Tooso Mooge
Tuesday - September 26, 2023
MAWLIID NABI CELEBARATION .. Waxaa dhamaan muslimiinta caalamka oo dhan gaar ahaan muslimiinta Somalida ee kala jooga daafaha caalamka aan ugu hambal-yeeynaya dhalashada bisha barakada badan ee uu dhashay Nabi Maxamed CSW, waxaan leenahay Ilaah ayaa mahad leh oo noo hibeeyay Nabi Maxamad oo ah raxmaddii caalamka oo dhan loo soo diray waana waajib in la xuso nicmidaan ilaah nasiiyey oo aan lagu furin mawjado qas .. waa in la difaaco xaqa iyo islaamkaba
Ikhyaarey waa in la weyneeyo shakhsiyadda Nabiga oo caalamka u soo baxday maalin isniin ah bishuna ay tahay 12-kii Rabiicul-awal ,waxaana dabaaldagu uu macna ahaan noqonayaa in la weyneeyo Astaanti islaamka oo ah Nabi Maxamed CSW, taasoo ay ku farxeen dhamaan Makhluukhaatkii ilaah uu abuuray oo dhan marka maxaa noo diiday in aan u dabaal-dagno sidaana waxaa leh " imaamu Mutawali shacraawi " oo ah sheekhi caalimka weynaa ee Masar.
"Qofkii Islaamka Dhexdiisa Ka Jideeya Suno Wanaagsan Wuxuu Leeyahay Ajarkiisa Iyo Ajarka Intii Kaga Dayatay Ee Ku Camal Fashay, Iyada Oon Kuwa Ku Camal Falay Ajarkooda Waxba Laga Nusqaamineynin, Si Taa La Mid Ah, Hasa-yeeshe, Qofkii Islaamka Dhexdiisa Ka Jideeya Suno Xun Wuxuu Leeyahay Dambigiisa Iyo Dambiga Inta Kaga Dayata Ee Ku Raacda Iyada Oo Kuwaa Ku Raacay Dambiyadooda Aan Waxba Laga Nusqaamineynin.
Somalida waxaa dhaqankeeda ka mid ahaa in Mowliidka Nabiga CS laga akhriyo jimco kasta masjidyada iyo guryaha marka bisha Mowliidkana sidoo kale ayaa lagu akhriyaa Masjiyada iyo guryaha iyo dugsiyada oo marka 12-ka Rabiicul Awal ay tahay ayaa la khatimaa sida loo badanyahay kuwana waa ay siiwadaan oo illaa iyo dhamaadka bisha ayay gaarsiiyaan xafladaha
Asbaabaha sababay in aan la dabaaldagin xiligii Nabiga CS u noolaa .. Waxaa jirta asbaabo faro badan oo sababtay in aan la xafladeyn waqtiyadii uu noolaa Nabiga. waxaana kamid ah:
1- Waxa ay asxaabta ku mashquul-sanaayeen meel marinta saldhiga iyo Qawaacidda islaamk taasoo ayaan siinin fursad in umuurtaan xuska iyo umuuro kale ay wax ka qabtaan
2- Waqtigaas waxaa la joogay asxaabta Nabiga oo ma jirin wax sababi-kara in ay xafladeeyaan waayo Wajigiisii Nurkabanaa ayaa ka hor muuqda .