Qaranimo Somali Warkeed Daah Waaba La Xaraashaya .. Itoobiya Oo Shirkada DP La Gashay Heshiis Ku Wajahan Aaga Cashuuraha Ka Caagan Ee Berbera
Saturday - August 19, 2023
Hargeysa- Warbaahinta Dawladda Itoobiya ayaa baahisay in Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabtu ay heshiis ku wajahan Aagga Cashuuraha ka caagan ee Berbara kula gashay Wasaaradda Gaadiidka Itoobiya.
Warbaahinta Itoobiya waxay sheegtay in Shirkadda DP World oo maalgelisay Marsada Berbera iyo Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera (Berbera free Zone) .. Waxaanay intaas ku dartay in heshiiskan ay isku kaashanayaan DP World iyo Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.
Warbaahinta Itoobiya, wax tafaasiil ah kamay bixin cidda u seexday Itoobiya iyo DP World midna, laakiin waxaa la huba in maamulka madaxweyne Xasan Shiikh usan wax dan ah ka lahayen midnimo iyo haddi dalka la xaraasha-yaba