Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 11 January 2025

Bad Gariirtay Mawjado Gurxamay .. Abwaan Jaamac Wuxuu Dhihi Jiray Waan Dhimaneynaa Waan Dhimaneynaa Sool-Na Wey Nolaaneysa .. Xasan Shiikh Muxu U Maqli-Waayey Dadkisa Midnimada Gawraca Loogu Jiiday

Wednesday - August 16, 2023



Laascaanood -  Ilaahay wuxuu abuuray Geerida Iyo Nolosha Si uu inooga imtixaamo midka camal ilaahay Raali ka yahay sameysta iyo kan kale .. waxaa kalo geeridu tahay mid ilaahay noolaha oo dhan uu ku xukumay haddana qofku uusan dooran-karin  waqtiga iyo meesha uu ku dhimanaayo

Arinti si kastaba ha ahaate, Abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed Jaamac Kadiye Cilmi, ayaa galabta ku geeriyooday madaafiic la sheegay in ciidamada Somaliland ay la beegsadeen magaalada Laascaanood.

Abwaanku waxa uu kamid ahaa suugaanyahanada ugu caansan Soomaalida, isaga oo intii uu noolaa tiriyay suuggaan caan baxay oo taabanaysa dhamaanba qaybaha kala duwan ee nolosha, waxaana uu kamid ahaa dadka lagu xasuusto soo gudbinta silsilad suuggaanneedii Guba.

Abwaanka ayaa ku dhashay magaalada Laascaanood, oo uu galabta ku xijaabtay isaga oo ku jira da'da Todobaatanaad-ka .. Abwaan Kadiye ayaa horaantii suuggaantiisa gabayada ka akhriyi jiray idaacadaha Radio Hargaysa iyo Radio Muqdisho.

Abwaanka ayaa aad usoo caanbaxay sannadadii todobbaatanaadkii, intii uu socday dagaalkii Soomaalida iyo Itoobiya, xiligaas oo uu suuggaan uu ku dhiirigalinayo ciidamada Soomaalida uu ka tirin jiray raadiyaha.

Abwaanku wuxuu kamid ahaa dadka ka soo horjeeday joogitaanka Somaliland ee magaalada Laascaanood. Wuxuu hadda qeyb ka ahaa dhaqdhaqaaqyada lagu dhisay SSC- Khaatumo.

AUN, Abwaan Jaamac Kediye waxaa dilkiisa lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan ciidamada Somaliland kuwaas oo galabta duqeymo aan loo meel dayin ku garaacay magaalada Laasaacnood.