Si Walba Basharka Ku Dayacaan Rabi Ayaa Marna Gargaar Laga Weyneyn .. Waa Qiiso Cajiiba Oo Dhex Martay Shan Gabdhood Walaalo Ah
Monday - August 14, 2023
Nin ayaa waxa ka geeriyotey xaaskiisi wuxaana u joogtay Shan Gabdhood .. Afar Nin ayaa Gurigi imaadeen Oo Gabadhaha soo doonteen , Laakiin Aabbuhu qorshihiisu wuxuu ahaa inuu u kala siiyo sida ay isagu xigaan oo midda Curadda ah ka bilaabo oo mida ugu yarna u joogto .
Hasa-ahaate, Gabadhii Curadda Ahayd Way Diidey Inay Guursato Oo Waxay Ka Door-bidey maadama Aabahed la joogin hooyaded oo ay dhimatay Inay Aabaheed daryeesho. Aabbahedna wuu ka yeelay arinkaas oo Afarta Gabdhood ee ayada ka yaraayeen baa loo guuriyey oo gabadhii weyneydna Ilaa uu Aabahed ka geeriyooda ma aysan guursan.
Geerida Aabahod kadib gabadhihi kale waxaa la tusey warqad Uu Aabahodu qorey oo Uu u reebay sidan ayayna u qorneyd "Guriga Aan Ka Dhintey Ha iibinina ILaa Walaashin Idin ka Weyn Ay Ka Guursato Waayo Farxadiina Bay Farxadeeda Ka Hor Marisay"
Laakinse Gabdhihi warkii Aabbahod macno uma Aysan yeelin oo way iska indha tireen gurigana inay iibsadan bay ku heshiiyeen si mid waliba dhaxalka qeybteeda uga qaadato ayagoo u Aabba yeelin walaashooda ka weyn Oon heysan garab kale iyo guri kale oy u hoyataba.
Gabdhii Weyneyd Markay Yaqiinsatay In Gabdhahan Walalaheda Ah Ka Go'antahy In La iibiyo Guriga Ayay Go,Aansatay Inay Tooda Ku Raacdo Gurigi Waa La Beeciyey, dabadeed Nin Ganacsade Weyn Ah Oo Hanti Fara Badan Heysta Ayana Gurigi iibsaday, Markii Laga Iibiyey Bay Gabadhii Weyneyd Ninki Ganacsadaha Ahaa Uga Sheekeysay Wixi Jirey Oo Dhan Waxayna Weydiisatay Inuu U Saamaxo Inay Muddo Bilooyin Ah Si Degenaato Bal ila Ay Ka Heleyso Guri Kale Iyo Garab Kale Intaba.
Gabdhihi Kale Mid Waliba Ninkeeda Iyo Caruurtedi Bay Lacagta U Geysay .. Si Waliba Oy Basharka Ku Dayacan Rabbi Aya Marna Garab Laga Weynayn .
Markay Bilooyinki Ay Ku Balamen Ayada Iyo Ninki Dhamaaden Ayuu So Wacay Ninki Taajirka Ahaa Gabadhii Waxay Moodey Inu Dhihi Rabo Guriga Iga Guur Waxay Kala Hor-dhacdey Walal Wali Guri Ma Helin Ee Waqti Ma Igu Dari-Kartaa.?
Wuxuu Ku Yiri Walal Arintas Mid Ka Duwan Ayan Ku so Wacay, Waxan Rabay Inan Kugu Wareejiyo lahaanshaha Guriga "Sabarloogada" Adiga Ayana Ku Hibeeyey Meher Ayana Ka Dhigey Hadad Iga Ogalaatid Ninkaaga Ayan Noqon Hadadan Raali Ku Aheyna Gurigas Wa Sidan Kugu Hibeeyey Un!!!.
Gabadhi Way Ilmeysay Rabbi Ayayna Salaatu Shukri U Tukatay ,Waxayna Yaqiinstat Rabbi Inusan Dayaceyn Dadka Wanaagsan Wanaagooda.
Ninkiina Way Ogolaatay Aroos Weyn Buna U Dhigey Nin Wanaagsan Iyo Gurigi Aabahedba Way Isku Heshay .. Dulucda Sheekadan: Samo Waliba Ood Sameysid Rabbi Wuu Kaa Abaal Marin