Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 24 November 2024

Jimaca Wanaagsan .. Fallaaraha Taagan Saacada Waqtiga Haray Dhamaadka Aduunka .. Fariinti Rasuulki SCW: Haddi Talada Loo Dhiibo Cid Aan Ehel U Ahayen Saacada Qiyaame Filo !!

Thursday - August 10, 2023




Xadiis uu Imaam Bukhaari soo saary, oo uu weriyay Abuu Hurayre, waxa uu inoogu sheegay “In iyada oo Rasuulki Naxariista iyo Nabadgelyada Eebbe Kor Kiisa Ha Ahaatee uu hadal  u jeedinayo qaar ka mid ah Asxaabtii, ayaa Nin Reer Miya ahi u yimi oo uu weydiyay: Rasuul Allow Waa goorma saacaddu? Oo macnaheedu yahay goormaa Saacaddu dhacaysaa? Ama goormaa dunada la duubayaa?

Rasuulki SCW markiiba uma jawaabin ee hadlkii ayuu si waday .. Asxaabtii dhegaysanaysay qaar waxay u qaateen in uu su’aasha Ninka Reer Miyiga ah maqlay aanu-se jeclaysan. Qaarna waxay u qaateen in aanu su’aasha Ninka Reer Miyiga maqlin.

Muddo ka dib-se markii uu Rasuulki SCW hadal-kiisii dhameeyay ayuu yiri "Mee Ninkii Saacadda i Weydiiyay? .. Ninkii wuxu ugu jawaabay: Wa i kan, Rasuul Allow.

Raasuulki SCW wuxu yiri: Haddii Ay Dayacanto Amaanadu, saacadda filo.

Ninki wuxu Rasuulka SCW u celiyay: Sidee ayay u dayac-maysaa Amaanadu?

Rasuulki SCW) wuxu yiri :  Haddii Talada Loo Dhiibo Cid Aan Ehel U Ahayn Saacadda filo!!