Wax Badan Ogow .. Kaftanki Quruxda Badnaa Ee Rasuulkeena CSW
Friday - August 4, 2023
Maalin Maalmaha ka mida Nabigeena Maxamed CSW oo guriga Caa'isha jooga ayaa waxa u timid haweenay ka mida ah dumarkiisa, markaasay la fadhiisatay .. Caa'isha ayaa cunto soo karisay ka dibna u keentay Nabiga CSW iyo haweenaydii kale. Nabi Maxamed CSW ayaa ku yiri haweenaydiisii kale hadal la macna ah " Cun ". hasa-ahaate Haweyneydi waxay tiri "Nafsad Uma Hayo".
Dabadeed Caa'isha ayaa carootay oo tiri "ma cunta aan kariyay ayay diidaysaa oo wallaahi hadday cuni- waydo Wajiga ayaan kaga dhabooqi. Ka dibna intay cunto qaadday ayay Wajiga ka marisay haweenaydii kale ".
Rasuulka CSW oo dhex fadhiyay ma yaabin, Caa'ishana kuma xanaaqin ee wuu qoslay. Dabadeed inta uu ka dhex baxay ayuu yiri hadal macnihiisu yahay " adna ka aar gooso "... Taasina waxay ahayd kaftanka Nabiga CSW.
Maalin kale Nabiga CSW oo Caa'isha la kaftamaya ayaa yiri hadal macnihiisu yahay "anigu waan kala aqaanna marka aad ii xanaaqsan-tahay iyo marka kale " .. Caa'isha oo malah is leh waa loo wax-yoodaa ayaa tiri " sideed ku garataa rasuulkii ilaahayaw ?".
Nabigu CSW wuxuu yiri hadal macnihiisu yahay "marka aad ii caroonayso waxaan ku gartaa, markaad dhaaranayso ayaad tiraahda: waxaan ku dhaartay rabbigii IBRAAHIIM. Laakiin marka kale waxaad tiraa; waxaan ku dhaartay rabbigii MUXAMMAD ".
Caa'isha waxay tiri " Wallaahi Rasuulkii ilaahayaw haddii aan labadaba ku dhaarto adigu mar walba qalbigay ayaad ku jirtaa ".
Maalin kale Nabigu CSW saxaabada qaar ayuu la fadhiyay. Waxay cunayeen Timir. Saxaabada waxaa ka mid ahaa Cali Binu Abii daalib. Ka dib lafihii uu Timirta ka cunay ayuu Nabiga CSW hordhigay, kolkaasuu ku yiri: "Rasuulkii ilaahayaw maxaad timir cuntay "
Nabigu CSW wuxuu ugu jawaabay hadal macnihiisu yahay "miyaanu iga darnayn ninka maca lafihii ku cunay ".. ilayn Cali markuu lafaha hordhigay Nabiga CSW isaga wax lafo ahi hortiisa kuma harin. sidaa darteed Nabigu CSW gool qurux badan ayuu ka dhaliyay.