Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 24 November 2024

Diwaanka Qosolka .. Juxa Fure Ka Lumay Oo Ciida Ka Baar-baaraya

Tuesday - August 1, 2023



Maalin maalmaha ka mida waxaa la arkay Juxaa oo goor habeen ah meel iftiin ah oo xaafaddiisa ahayd ka bilaaabay in uu Ciida baar-baaro .. Ciiddii ayuu faraha la galay oo kolba dhinac u rogay. Dadkii jaarka ahaa ayaa u yimi waxay ku yiraadeen "Juxow, maxaa kaa lumay ee aad baaraysaa" ?

Juxa ayaa oo jawaabaya ayaa yiri "Furihii Guriga ayaa iga lumay .. Ka dibana dadki jaarka ayaa bilaabay in ay furihii ciidda kala baaraan. Markii ay in xilli ah baarayeen ayay ciiddii waxba ka waayeen.

Mid ka mid ah jaarkii oo ah kuwi wax la baarbaarayey ayuu Juxa weydiiyay oo yiri "War Juxow Halkee Furuhu kaaga lumay"? ..  Juxa oo ilka cadeynaaya ayaa yiri "Guriga gudihiisa ayuu iga lumay" .. Ninki Jaarka oo yaaban baa Yiri: Haddaa maxaad halkan u baaraysaa ..  Juxa oo ninki Jaarka u jawaab celiyey ayaa yiri: "Hade Halkani iftiin ayay leedahay" !!!