Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 24 November 2024

Xikmadaan La Noolow .. Xigmadaha Ay Nolosha Waayo-aragnimada Na Bartay

Sunday - July 30, 2023




Xikmada ugu weyn ee Alle SWT inoo keenay ifka waa isaga garashadiisa iyo caabuditaankiisa ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo raacida sunnaha Nabiga

1-  "Saaxiib-tinimada ugu dhibka badani, waa ta uu ruuxu la saaxiibo naftiisa"

2-  "Marka aad aragto qof kaaga sheekeynaya xumaanta ay dadku ku sameeyeen, waxa uu kuu dirayaa farriin ah 'ha ka mid noqon dadkaas"

3- "Ha isku dayin in aad ku guulaysato dood kastaba .. mararka qaar in aad qalbiyada hanato ayaa ka mudan in aad dooddaha hanato."

4- "Haddii aad dadka dhinaca xun ka eegto oo aad u raadiso, waa hubaal in aad u helayso."

5- "Ha kala hadlin dadka dareenkaaga, Waayo dadka qaar ma fahmayaan luuqadaas balse Kula hadal caqliga iyo qalbiga sababta oo ah qof waliba ma laha qalbi kaaga oo kale ah, dadka oo idilna ma laha caqli kaaga oo kale ah."

6- "Noloshu duruus bilaash ah cidna ma barto, marka aan ku leeyahay 'waayaha ayaa wax i baray', ogow in qiimaheeda aan bixiyey."

7- "Haddii biyuhu hadlayaan waxa ay ku oran-lahaayeen; dad badan qalbiga mayra ka hor inta aydinaan jirka mayrin."

8- "Haddii wax kasta oo aad akhrido rumaysanayso waxba ha akhriyin."

9- "La wadaag dadka aqoontaada waa habka lagu gaaro nolol weligeed ah."

10- "Noloshu horumar la'aan waa niyad jab .. shaqo la'aanna waa caajis iyo caloolyoow .. go'aan la'aanna waa doqoniimo .. dedaal la'aanna waa hoosayn iyo liidasho."