Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 24 November 2024

Walaal Waligaa Intaad Nooshahay Ku Feker Wanaag Iyo Kheyr Kuu Soo jiida Ajar Iyo Wanaag .. Dhibaato Aad Dadka Dhibaateyso Waa Awood Liidata Oo Kuu Soo Jiida Natiijo Liidata Oo Khasaaro Iyo Qoomama Leh

Thursday - July 27, 2023




Inta aad ku fakarayso ama ku howlan tahay Wanaaga iyo wanaajinta Dadka waxaad haysataa taageerada Awoodda Eebe ee saraysa, waayo Rabi wuxuu Dunida u sameeyay in wanaagu Wanaag soo jiito, oo aayadu waxay leedahay "Ixsaanka iyo Wanaagga ma wax kalaaba lagu gudaa illaa Wanaag mooyee".

Dhaq dhaqaaq kasta oo aad ku bixiso waxa wanaagsan iyo Dabeecadda-san kaama khasaarin,waxaana dhab ah inaad helayso jawaab wanaagsan oo ay kuula soo deg-degto Maqaadiirta iyoAwoodda sare ee Alle, bal adiga tijaabi oo ku feker oo niyeyso oo samee, waxaad arki doontaa natiijo aad la yaabto.

Waligaa ha ku fakarin Dhibaato iyo inaad Dadka dhibaateyso waayo dhibaateyntu waa Awood liidata oo kuu soo jiidaysa natiijo liidata oo khasaaro iyo qoomamo ku badda,waana wax la ogaaday Rafaadka haysta Dadka ku fakara,Baqdinta, Xasadka, Nacaybka iyo wax-yeeleynta si deg deg ah xaga Rabi oga helaan wax-yeelo u dhiganta ama ka badan tii ay sameeyeen.

Ilaahay Quraankiisa wuxuu ku yiri: "Qofkii doonaya Cizi iyo Sharaf dhamaantood Ilaahay bay u sugnaatay oo haysta, waayo waxaa xagga Rabi u sare kaca kalmadda wanaagsan, camalka fiicana waa loo kor yeelaa, kuwase maleegaaya Xumaanta waxay leeyihiin Cadaab daran, shirqoolka ay maleegayaana waa mid liita oo aakhirka fasahaad iyo meel xun ku dambeysiiya.

Wuxuu kaloo Eebe yiri:- "Qofkii wanaag fala Lab iyo Dhadig kuu dooniba ha ahaadee isagoo Mu’min ah waxaan ku nooleyn doonnaa Xayaato wanaagsan -Nolosha Dunida-waxaanan -Aakhiro-abaalkooda ku gudi doonaa Ajar ka wanaagsan Samihii ay soo fali jireen”.

Ahristow, Waligaa intaad qof Bani-aadam ah Anfaci karto Anfac, hadaadan Anfaci karina ugu yaraan shartaada ka reebo .. Rasuulka SCW wuxuu yiri: "Qof kasta oo idinka mid ah ee awooda inuu wax uun ku Taarto walaalkii ha sameeyo".

Akhristow Walaal, waligaa intaad nooshahay ku feker Energy sare oo wanaag iyo khayr kuu soo jiida, ha ku fakarin Energy liita oo xumaan iyo khasaaro kuu soo jiida.