Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 24 November 2024

Deni Dhanka Garashada Ku Majiirtay Ee Tallow Dhiiga Ku Jira Waa Noocma .. Mar Baa Geefka Loo Liqa In Aan Danta Guud Mur-kacan .. Miyey Suuragal Tahay Jid-goyada Loo Dhigtay Sacdiyo Guul Laga Dhigto

Monday - July 24, 2023




Muqdisho – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo wafdi ay horkaceysay oo kusii jeeday magaalada Garoowe ayaa maanta laga celiyay magaaladaasi oo xarun u ah Puntland .. Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddii ay raaci laheyd Marwo Sacdiya ka hor inta aysan ka dhoofin garoonka magaalada Muqdisho loo diiday inay u duusho magaalada Garoowe.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka Isgaadhsiinta Soomaaliya, Jaamac Xasan, Wasiiru-dowlaha Macdanta Maxamuud Mashruuc, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo dhammaantood kasoo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Sida ay ogaatay Galdogob Times, madaxtooyada Puntland ayaa soo saartay amarka lagu celiyay diyaaraddan, ayada oo lagu wargeliyay in aysan soo qaadi karin Sacdiya iyo wafdigeeda.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ujeedkooda uu ahaa inay ka qeyb gasho caleema saarka Suldaan Bashiir Suldaan Carab oo ah Suldaanka beesheeda, kaas oo lagu wado in beri lagu caleema saaro Garoowe.

illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan arrintan. Sidoo kale Sacdiya dhankeeda wey ka hadashay is hortaagga lagu sameeyay oo halkaas ay ka bixisay sawirka xaqiiqda ah ee loogu diiday iimaanshaha Garoowe

Waa markii labaad ee Sacdiyo laga celinayo Puntland, waxayna aheyd sanadkii hore markii laga soo celiyay garoonka magaalada Boosaaso, xilli ay gargaar u waday halkaasi, sababta ayaa Puntland waxay xilligaas ku sheegtay in aysan ku wargelin socdaalkeeda.

Is hortaagga lagu sameeyay wafdiga dowladda ee maanta laga celiyay Garoowe ayaa kusoo aadayo, xilli uu halkiisii yahay khilaafka dhexeeyo Puntland iyo dowladda dhexe.

Si kastaba, xildhibaan Sacdiya Yaasiin ayaa sido kale habeen hore kasoo muuqatay kulan ka dhacay hoyga ra’iisul wasaaraha, kaas oo looga hadlay xiisadda ka taagan Puntland.