Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 11 January 2025

Seefti Shacabka Siiban Oo Saaran Madaxi Xasan Shiikh .. Edeysane Xasan Shikh Oo Laab Beena U Garaacay Garadadi Dhulbahante Taso La Ogaday Xaqiqada In Aanay Wax Ka Jirin .. Garad Jamac Aar Caroday Deh

Wednesday - July 12, 2023




Sheekada maanta socota aad ayey u qaayo weyn-tahay oo waxa socda waa wax laga naxo .. Xasan Shiikh wuxuu door bidaya inu qaranimadi iyo midnimadi somaliya gebi ahaanba meesha ka saaro .. waxaana la ogaaday oo garaad jaamac sheegay in Caalamki ay uga dacwoon-lahaayeen Somaliland ay ka hor-taagan tahay Dawlada Fedaraalka oo ku doodeysa iney xal u keeneyso xiisada Laascaanood, mana jiraan ayuu yiri wax xal raadin ah oo xasan Shiikh illa hadda u isku dayey, balse dilki iyo madaafiicdi wax loola haray aysan jiri ay weli ku socdaan Laascaanood .. bal adba dhinac u raac waa yaabe

Waxa Garaad Jaamac uu intaas sii raaciyay "Waa in Baarlamaanka u yeero madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo wax ka weydiiyaan sababta Qaramada Midoobay u leedahay dambiyo dagaal ayaa dhacay ee ciidamada ha ka baxaan, halka ay dowladda Soomaaliya-na ay leedahay iyaga oo halkaas jooga nabad ha la raadiyo

Garaadadi Laascaanod waa caroodeen oo waxay kor iyo hoos-ba u ogaadeen in Xasan shiikh laab beena u garaacay, oo runti isago ujeedo ka leh aan biyo is marin bilow iyo dhamaad gacan taageero u fidiyey duulaanka Muuse Biixi ku hayo Laascaanood   

Madaxweyne Xasan Shiikh oo xiligii uu musharraxa ahaa sheegay in uu noqon doono Wadani lagu soo hirto ayaa maanta ku guuleysan waayey in ay wada shaqeyn fiican yeeshaan madaxda dowlad goboleedyada gaar ahaan sool, laakiin weyse soo dhamaatay khiyaaligi oo iminka dacal ka dacal bulshada somaliya si wacan bay ummadu uga dharagsan-yihiin sida u wax u wadao iyo xaalku halku maraayo .. Xasan Shiikh waa inu ogolaado inu guul-dareystay, waxaana taas markhaati ka dhigaya maanta oo Somaliya qarka u saaran in midnimadi lagu kala tago .. Xasan Shiikh siyasada u ku shaqeynaayo waa in la wada jabo

Tilmaanta kolka aan intaa kaga-imaado, maamulka madaxweyne Xasan Shiikh ee ku hafaneysa hawlihi loo igmaday illa heer u gaaray in si sharci daro u yiraahdo laba sano ha laygu daro ku kursigi Villa somaliya, sida darteed waxaa umada la gudboon iney toosaan oo ugu yaraan hubiyaan qaska dalka