Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 11 January 2025

Kororso Aqoontaada .. Maxay Tahay Tagfida Amase Boodada .. Sidee La Isaga ILaaliya

Monday - July 10, 2023




Tagfida Ama Boodada .. waxaa loo yaqaanaa Magacyo aad u fara badan Afkeenna Hooyo kuwaas oo ay ka mid yihiin: Tagfi, Booddo, Dhuudhi Iyo Wayaale .. Booddadu malaha Baalal sida cayayaanada kale balse waxay leedahay 6 Lugood oo dhaadheer kuwaas oo u fududeeya inay xoog u booddo .. Hooyga Tagfidu waa meelaha diiran Sida Kabaha, Lugaha Dharka iyo Bustayaasha Hoostooda

Tagfidu waxay kamid tahay boqortooyadda xayawaanka Bahda bilaa laf-dhabarleyda ah gaar ahaan bah-weynta Cayayaanka kuwaas oo ah qoyska ugu ballaaran Boqortooyadda Xayawaanka .. Noolahani waxaa Hoy u ah ama laga helaa xaya-waanadda leh dhiigga diirran maadaama oo ay ka mid tahay dullinka quuta Dhiigga noola-yaasha kale, kuwaas oo ay kamid yihiin Dadka, Bisadaha, jiirka, Bakaylaha iyo Eyda.

Sida ku xusan buugga ay qoreen Guddiga Afka Soomaaliga ee Eray bixinta Af Soomaaliga ee hawlaha Wasaarasaha sanadii 1972dii .. Dullinkani waxa uu halis badan ku yahay nolosha Bini-aadamka isagoo qaaradda Yurub ku sababay Qarnigii 14-naad xanuun la oran jiray dillaagii Madoobaa .. Xanuunada ay u kala gudbin karto dadka iyo noolayaasha kale waxa ka mid ah Tayfoodka iyo xanuunadda Cun-cunka maqaarka kuwaas dhibaato badan u gaysta nolosha dadka iyo Xayawaanadda kalaba.

Ugu danbayntii sidee ayaa Tagfida la isaga ilaalin karaa.? Waa inaad qaadaa tallaabooyin dhawr ah kuwaas oo ay kamid yihiin: 

1. In la nadiifiyo dhammaan guriga gaar ahaan meelaha qarsoon ama uu hooseeyo heer kulkoodu ama aanay gaarin cadceedu 

2. In sarre loo qaado nadaafadda guriga iyo dharka. 

3. In ay mulkiilayaasha leh xayawaanadda la rabaysto sida Bisadaha iyo Eyda ay geeyaan goobaha daaweynta xayawaanka si loo siiyo dawooyinka la dagaalama dullinka. 

4. Iyo in haddii aad gurigaaga ku aragto ama dareento aad ugu yeerto shirkadaha ka shaqeeya la dagaalanka Dullinka