Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 11 January 2025

Ma Gabade ILaah Diray Garaad Jaamac Garad Cali Galka Seefta Kala Baxay .. Xasan Shiikjow Ha Noqon Ninki Seexday Oo Soo Toosay Ee U Gunto Xaqa SSC Khatumo Oo Gawrac Xumaanta

Wednesday - July 5, 2023




Laascaanood – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah hoggaanka sare ee dhaqanka SSC-Khaatuma oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood iyo dagaalka weli ku jiraan ciidamada Somaliland.

Ugu horreyn Garaadka ayaa shaaca ka qaaday in reer Laascaanood dagaalkan lagu khasbay, isaga oo eedeymaha ugu jeediyay xukuumadda Somaliland .. Garaad Jaamac ayaa sidoo kale farriin culus u diray dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay arrinta Laascaanood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka ay dooneyso inay dhex-dhexaad ka noqoto dagaalka, si ay u raalli-geliso labada dhinac, waa sida uu hadalka u dhigay.

"Cidda ay mas’uuliyaddan saaran-tahay ee aad mooddo weli in kii dulmiga waday iyo kii la dulminayay ay is leedahay wada raali-gali waa dowladda Soomaaliya" ayuu yiri Garaadku.

Waxaa kale oo dalab culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ugu baaqay inuu go’aan dhab ah ka qaado colaadka Laascaanood, sidoo kale uu caddeeyay mowqifka dowladda federaalka ee ku aadan dagaalka SSC-khaatuma iyo Somaliland.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sidoo kale wareysigan ku sheegay in dowladda dhexe laga rabo inay caalamka u sheegto cida gar darran labada dhinac, maadaama ay xaaladdu faraha ka sii baxeyso, welina uu socda dagaalka uu dhiiga badan ku daadanayo ee Sool.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo xuskii kowda Luulyo khudbaddii uu jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh uu ka hadlay dagaalka Laascaanood, isaga oo farriin u diray labada dhinac, taas loo arkay madaxweynuhu inuu ka gaabsaday duulaanka Somalilamd.