Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 11 January 2025

Alla Saciid Dani Diimo Badanaa .. Saciid Deniyow Bal Doc Isugu Beyr Oo Ha Lagaa Helo Hadal Aan Is Rog-Rog Dambe Lahayen

Saturday - June 24, 2023





Waxaa La yiri Beri baa Islaani Wiil ay dhashay ka yaabtay siduu uu dhaqmaayo ee ah is bed-bedelka faraha badan uu kolba leeyahay iyo waxan baan rabaa, misana uu isla markiiba ka noqonaayo oo uu oranaayo wax kale ayaan doonayaa ..  islaantii Wiilkeedi dhan ay u raacdo ujeedo iyo ka jeedo uu leeyahay way garan-weyday iyo wax ay samayso, ilayn waa kan wiil-keeddii yara jiho wareerka ku ridaye, fahmi wayday wuxuu jecel yahay ama diidan-yahay ee kolba wax kale isku qaadayee.

Aakhirkii Hooyadi intay fajiciso meel la fariisatay, oo Shanta dhabanka saartay, bey wiilkii ku tiri "Alla Aantooniyaw Hooyo Diimo Badanidaa" Kugu waashay, oo adna malaha ma miyir qabtide, bal doc isugu bayr oo waxa kuu daran ii sheeg aan kuu qabtee .. Wiilkeygow kugu daalaye mar uun aan kaa hello hadal aan is rog-rog dambe lahayn, sidani si ma aha oo fadhi iyo joog-ba ii diidaye .. Wilkeygow hadaba sidee baan hooyo kuu galaa.

Akhristow waxaan sheekadaan u soo qaatay Hooyada Khal-khalka ilmihi ay dhashay ku riday, baa arinkaani tusaale wacan u yahay si walbana aan loo kala saareyn Bal adba dhinac u raac dabeecad- xumada iyo is rog-roga u la soo taagan-yahay Saciid Dani .. Horay isagoo aan u aabe yeelin ayuu dagaal ka riday Bosaaso oo Rasaas la dhacay, halkaasna ay ku dhinteen Dad shacab ah .. Maantana Garowe ayuu xaalad dagaal keeni-karta ka abuuray oo sumcado iyo nabadi lagu yiqiin puntland dhulka dhigay, isla markaana dhaawac u geystay halganki dirirta ka socotay Laascaanood ..  waxay ahayed furista Dastuurka iyo gogol-dhiga wax ka badalkeeda in marka hore loo soo bandhigo odayaasha guurtida , aqoon-yahanada iyo wax garadka Reer Puntland oo iyagu halkaa wixii dan guud ah iyo talo jilbaha loo laabay ka soo saari-lahaa, laakiin taas ma dhicin oo meesha waxaa ka saaray ballanti is Rog-rogi Saciid Dani iyo damaciisi inu kursiga mar dambe ku kaliyeysto.

Arintu si kastaba ha ahaate aragtidu ma ahaa Saciid Deni qura ayaa qaldan ee mucaaradka Aari-Jaan iyaga laftooda may qaadin dhabo ay siyaasadooda ku gadi-lahaayeen, oo waxay door bideen dagaal iyo ha la ba'o balaayana ha dhacdo, balse aragtida bulshada reer puntland waxay leedahay Labada dhinacba iyagoo wax dabibi karaey ayey Daacuun u yeerteen, ma jiraan midkooda mid danta shacabka wada ..  wey qaldan-yihiin, laakiin si kastaba ha ahaate Saciid Dani arinkaan xiisada dagaal dhaliyey waa u daba qaban-karey oo wixii dhacay ma dhaceen, waxayna ahayed inu ballanti Garadaada Dhulbahante fuliyo

Waxaa Axaadiista laga soo wariyey oo ay noo sheegeen: In Aakhir Zamanka Dadka caqliga laga siibi-doono, sidaa daraadeed waxaan shaki ku jirin in aynu ku jirno waqtigaas.